DEG-DEG+DAAWO: R/wasaare Kheyre Oo Lagu Eedeeyay Dhibaateynta Shacabka Puntland, Digniin Adagna..

GAROOWE(P-TIMES)-Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gu’jir), oo Shit Jaraa’id ku Qabtay Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, in uu fara-gelin ku hayo arrimaha gobolka Nugaal.RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO.

Guddoomiyaha ayaa Ku War-geliyay Ra’iisulwasaare Kheyre inuu ka Waantoobo Shaqsiyaadka ka tirsan Dowladda Federaalka ee uu u soo diray Gobalka Nugaal, si ay Xasilooni Daro uga Abuuraan, waxaa kala uu Xasuusiyay Balanqaad uu Garoowe ka Sameeyay Ra’iisulwasaare Kheyre 01-August-2018.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO.

 

2 Comments

  1. Haliye says:

    Gudoomiyaha shaqadiisa hawl aan ahayn buu faraha kula jiraa ee dawladu afhayeen iyo wasiirka warfaafin bay leedahay,
    Wixii gobolka Nugaal ah uun buu ka hadli karaa xataa Barri ama Mudug kama hadli karo.
    Yacni waa heer gobol .
    Warkiisa hasoo xiganina ee u nasteexeeye.
    Idinkuna saxaafada anshaxeeda ilaaliya.

  2. Abdiweli says:

    Kheyre ma dhuunashuu ku yimid bishii Ogosto 2018. Kkkkkk. Dagax tuur baa lagu samayn lahaa hadii shicibku ogaan lahaayen socdaalkiisa.

Leave a Comment