DEG-DEG+SAWIRRO: Al-Shabaab Oo Qaraxyo iyo Toos u weerartay Hotel Saxafi & CID

MUQDISHO(P-TIMES)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan lambar 4 Sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ammaanka.

3 Qarax oo loo adeegsaday gawaari ayaa ka dhacay wadada u dhaxeysa Hoteel Saxafi iyo Xarunta CID-da ee Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in wadadaasi ay tahay mid mashquul ah oo ay Isticmaalaan dadweynaha xilligaan oo kale.

Qaraxyadda ka dib rag hubeysan oo tiradooda lagu qiyaasay 4 ruux ayaa isku dayay in ay galaan Hoteelka Saxafi, Waxaana toogtay Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, waxaana hadda goobihii Qaraxyo ka dhaceen ku sugan Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay Qaraxyaddaasi  ka dhacay Muqdisho.

SAWIRRO.

Leave a Comment