DHAGAYSO:Deegaanada lagu wada dagaalamay oo xalad adag ay ka taagan tahay & Ciidamadii oo weli isku muuqda

CADAADO(P-TIMES)- Nabadoon Cabdul Soofe Faarax oo kamid ah waxgaradka dadaalada nabadeed ka dhex wada beelihii kuwada dagaalamay Galbeedka Degmada Balan-Bale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in weli ay taagan tahay cabsi laga qabo in mar kale dagaal dib u qarxo deegaankaasi. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Nabadoonka oo la hadlayey Idaacadda Codka Gobollada Dhexe ee magaalada Cadaado ayaa waxa uu xusay in deegaanka ay isku hor fadhiyaan weli labadii malayshiyaad ee wada diriray mar walbana la filan karo dagaal ka qarxa deegaankaasi, waxaana uu tilmaamay in aysan kala dhex gelin labada malayshiyaad balse ay la hadleen Odayaasha iyo waxgaradka ku sugan degmooyinka Dhuusamareeb, Cabdudwaaq iyo Guriceel Isla markaasna ay kala hadleen sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Leave a Comment