Dowlada Eritrea oo maanta lagu wado in cunaqabateynta hubka laga qaado

NEW YORK(P-TIMES)- Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa maanta lagu wadaa in ay  u codeeyaan in dowladda Eritrea laga qaado cunaqabateynta hubka ee hore loogu soo rogay.

Sidoo kale Golaha amaanka ayaa waxaa ay shaaca ka qadeen in ay kala direen kooxdii daba galka Soomaaliya iyo Eritrea u qaabilsanayd Qaramada Midoobe.

Ku dhawaad 15  dal ee xubnaha ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa soo jeediyay in cuna qabateynta hubka laga qaado dowladda Eritrea.

Dowlada Eritrea ayaa waxaa la leeyahay waxaa ay doonaysaa in ay hesho 9 cod kaliya, kuwaasi oo ay dhiiban doonaan xubnaha ka tirsan 15-ka dal.

Dalka Eritrea ayaa waxaa cunaqabateynta la  saaray sanadkii 2009kii, waxaana markaasi  lagu eedeeyay in ay taageerto dagalaamayaasha  Al-shabaab

Leave a Comment