Dowladda Britain oo ku dhawaaqday warkii ugu farxadaa badnaa sheegtayna in Cunabataynta laga qaaday Eritrea ay Somalia…..

NEW YORK(P-TIMES)- Gollaha amaanka ee QM waxay ayaa xalay waxa ay ansixiyeen Qaraar qabyo ah oo ay Dowladda Britain ku codsatay in dowladda Eritrea laga qaado cunaqabataynta hubka iyo xayiraadda hantida iyo safarada madaxda dalkaasi.

Cunaqabatayntaas oo lasoo rogay sanadkii 2009-kii ayaa gabi ahaan la wada laalay sida lagu shaaciyo kulankii ay xubnaha gollaha amaanka ee QM xalay ku yeesheen xaruntooda dhexe ee magaalada New York.

Danjiraha Britain u joogta QM Karen Elizabeth Pierce waxay qaraarkaasi ku tilmaamtay go’aan taageeraya xaqiijinta nabadda iyo amaanka Somalia.

Dhinaca kale danjiraha Ruushka u jooga xarunta QM oo ka hadlay arintaasi ayaa ku sifeeyey qaraarkaasi mid gacan ka gaysan kara wanaajinta xiriirka dalalka ku yaala mandiqada Geeska Afrika.

Eritrea waxay ka xorowday Ethiopia sanadkii 1993-kii, waxaana labadaa wadan dhex maray dagaal lagu riiqmay.

One Comment

  1. Yoji says:

    Wax lagu farxo mahane hadalka iska sax

Leave a Comment