FAALLO: Gaas Puntland maaha, Puntland-na Gaas maaha.

AFEEF: MAQAALKAN waxaa qoray Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo horey u soo noqday Agaasimaha ciidamada Badda Puntland iyo Lataliyihii dhanka Saxaafadda ee Madaxweyne Faroole, kamana turjumayo aragtida Warsidaha Puntlandtimes.com

Waxaa maalmihii ugu dambeeyey ku soo badanayey Puntland kooxo Muqdisho u gacan Haadinaya kuwaas oo aan is leeyahay waxaa isaga khaldan iney mucaardaan Maamulka fashilmey ee Cabdiweli Gaas Madaxweynaha ka yahay iyo iney khatar galiyaan jiritaanka maamulkaan.

Kooxahaas markaan u kuur-galay waxay isugu jiraan Afar nooc oo kala ah:

1 – Dad danley ah oo u adkeysan waayey maamul xumada Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey- waxaana koxdaas dhibkii haystey ka faa’ideystey Villa Somalia, oo markii si KMG ah ay u xalisay ka dalbatey iney Idaacadaha tagaan oo dhaleeceeyaan mamulkaan.

2- Koox shaqo doon ah oo markii mushahar yar la siiyey laga dalbadey iney Puntland baraha bulshada ka dhaleeceeyaan waxayna u badan yihiin dhalinyaro.

3- Koox Shantii sano ee uu Cabdiweli Gaas Puntland bur-burinayey la shaqeysaneysay balse markey arkeen In Gablkiisii sii dhacayo meelo kale oo ay maalmo sii joogaan u Carro gadistey.

4- Koox aragti fog ku shaqeyneysa oo gacansaar la leh kooxo ku sugan Villa Somalia- Waxayna diidan yihiin aragti ahaan In dalka Soomaaliya lagu dhaqo nidaamka Federaalka ah kaas oo Puntland Bud-dhige u tahay-Kooxdan waxay ka faa’ideysaneysaa xilligaan Puntland ku jirto waqtiga kala guurka ah qorshohoodana waxaa weeye In Puntland uu Madaxweyne ka noqdo Qof Iyagu wataan oo danahooda ka qunsadaan ama In lagu kala tago Puntland oo aysan ka dambeyn Gaas.

Kooxdaan dambe Waxaan leeyahay Puntland khibrad ayay u leeddahay iney ka gudubto xaaladahaan oo kale, shuruucdeeda waxaa weeye day kuwa aan si sahlan loo jabin karin.

FARIIN: Dadka Reer Puntland waqtigaan waxaad haysataan fursad aad ku soo xulataan xildhibaano danta maamulkaan ka hormariya danahooda khaaska ah soona doorta nooca Madaxweyne aad dooneysaan.

12 Comments

  1. Haliye says:

    Markii aabahaa xukunka haystay oo sidii WIIL BOQOR DHALAY AAD U DHAQMAYSAY ma aadan ogayn miyaa, weligaa maalin ma shaqaysaa adigoo dayn lagugu leeyahayna wadanka waa ka carartay ee xagee ka keentay lacagaha lagu dhisay wadooyinka LAAMIGA AH ee gurigaaga soo gala.
    Ama PUNTLAND lawada leeyahay ama nin walba meeshuu rabo ha aado.

  2. Haliye says:

    GAAS oo la ogyahay inuu la shaqaynayo Xasan sheekh maxamud Culusow si awooda PUNTLAND loo wiico ama loogu kala tago baa cududaar been ah usamaynaysaa.
    Wadadii Gaalkacyo iyo Garoowe u dhaxay xataa wuu cunay welina dadkii buu sii kala fogayn yacni barlamaanka PUNTLAND hala furo, wuxuu sameeyay lacag false-da ah,

  3. Haliye says:

    GAAS iy Faroole waxay geeyeen isimadii PUNTLAND ku caano maali jirtay markii xaalku xumaado.
    GAAS wuxuu ku mashquulay arimaha federalka meeshuu ku mashquuli lahaa Arimaha gudaha ee PUNTLAND iyo wax ka qabashada adeegyadooda.

  4. abdallah hersi says:

    haliye, waxaad kala garan la’ dahay waxa Mohamed ka hadlayo ee Danta caamka ee Puntland, waxaad u muuqataa kuwa laga soo buufiyey Villa Somaliya, Insha allah Puntland way jiraysaa mana noqonayso waxa aad ku riyoonayso.

  5. Maxamed sulub says:

    Dadkina iska hadlaya waxan ushegaya qofkii donaya in uu puntland burburiyo laga yeli mayo,waxa lo bahanyahay nin kasta oo ku guleysta xilka puntland in uu ilaliyo jiri taanka iyo dhismeheda dawladnimo ayuu ku khasban yahay,waxad ogatan dawlada muqdisho waxay rabta in aay puntland burburiso, taas. Mankina galiya.

  6. Mohamed sulub says:

    Waxad ogtihin manta mamul somaliya ka dhisan oo aan puntland ahan majiro^ marka laga hadlo magac uyaal moye.puntland 20 ayey so socotay, dhan kasta wa ka dhisantahay, mamulada kale mar dhow aya ladhisay, mana habeysana dhulkoda walala haysta oo kuligod mamamulan,xata muqdisho, dadyohow puntland ilashada.

  7. Maxamed sulub says:

    Waxad ogtihin xukumada fadaralka ee muqdisho,waxay rabta in aay Qadato puntland,in aay isku dirto dadka puntland herkas ayey marayan,intey wax yat oo shiliman ah siso kuwo maanyar oo aragti hoose leh, xukumada muqdisho.mamulada kale ee somalida maxay ku takuleysay,su,ashu wa waxba,mamulada dhulkoda wa lahaysata inta badan, ‘Xukumada muqdisho wa cadowga mamulada somalida.

  8. Andrewnok says:

    Hi! Behold is an important offering for you.

    http://bit.ly/2PGlpAp

  9. Abdiweli says:

    Ina faroole kooxahuu tilmaamay waa jiraan waana ku boogaadinayaa sida geesinimada leh ee uu shaacixiyey kooxahaan lafdhabaka kaga fariistay puntland haba ugu darnaadaan kooxda aragtida fog. Waana kooxda ugudambeyn puntland lowyaha dhulka ugu dufan hadii aysan reer puntland meel uga safa. Kooxdaanu waa koox kula wadan ah oo kula dad ah oo kaa jidha. Cadowga puntland waxay aqbaleen oo yagiinsadeen in puntland duulaan banaanka uga imaada lagu dhantaali karin. Somaalaa ku maahmaahda l”afa gari ayagaa laysku jabshaa”. Laakiin waxaa mucjiso ah in ninkaan (farmaajo) oo cayga daadinaya in uu nogdo furuhii burburka iyo tafaraqa puntland. Somaali baa dhahda ” tuugo kula taal tabtaa ma weydo” . Cidii wax garad ah waxaan u maleyn in ay fahmin ula jeedada.

    Abdiweli waa cadowga kaliya ay kooxahaanu leeyihii. Alow yaa naga warejiya ayey ku ducaystaan.

    Intii reer puntland ah oo daacad dalkooda u ah waxaan leeyahay ” Gaas allow nadhaafi” haku ducaysanina sida kooxda aragtida fog …. waxaa dhici kadha in Eebe ducadiina aqbalo oo badrool dhaxashaan

  10. ABDIRISAK says:

    dadka waxan umaleynayay inay kaweynaden qabill iyo inay tageran qof qaldan waxad dhahdeen buntland waxay jirtya 20sano maxa laqabtay oo lasheegi kara isbital lamahayo goobo waxbarasho oo lacag la aan lagu barto lama dhisin ciidan mushar qaata majiro malin walba ciidanka qeyladooda ayaa baxaysa canshuurna shacabka waa laga dhameyay wixi aduunka lagasoo qaado accoun ayay kudhacda shaqsi dowlad goorma ayyay buntland dowlad noqotay waakan bososo argagaxisada canshuur inay kaqaadan bilaaben ganasatada bosoaso aaway magalada ganacsiga buntland waliged ay kufaani jirtay waxas oo dhan uma jeedan waxa idin muuqda muqdisho waxa kajira oo uu gaas idin sheegay waxad kusocotan qaabkii bulshada somaliland looga dhaadhiciyay in cadowgoodu yahay somaliya inteeda kale walalahooduna yhn ethobia aniga waxan ahay rer buntland cidna cadow kuma ahi lkn waxan ogaa sida hada buntland tahay ayada oo karon muqdishana cadow aan ka aaminsaneyn horumar uu jiro nin walba markuu wax qaban waayo ayuu umada yirahda muqdisho ayuu dusha kasaara wixi uu qaban wayay inay masuul kayihiin marka hurdadad kakaca mashquulkana dhaafi madaxda laxisabtama qabiilka inta deysan iyo nin jecleysiga

  11. Abdiweli says:

    Ninka kor fikirkiista ka dhiibtay waxaan leeyahay sidaan. Reer puntland muqdisho ma nibca dadkeekana ma nibca, cid ama qabiil somali ah oo si gar ah cadowtinimo ka dhexeysana ma jiraan.

    Reer Punland maal iyo mood iyo wakhti farabadan ayey ku bixiyeen in qaranimada somaliyeed mar un soo laabato. Wakhtigaas iyo maalkaas oo sida ay ila tahay ku habooneed in reer puntland galiyaan dadkooda iyo dalkooda.
    Ficilkii iyo dadaalkii dheeraa ee reer puntland waxuu noqday hal bacad lagu lisay.
    Waxaa muuqata in reer Puntland bilaawihii lagu qali laha gacmahooda ku listeen.
    Dowladii federaalka ee dhisideeda dhibtii la ogaa loo soomaray aya meel cidala ah laga qaatay.

    Waa adiga xisaabta yar ee puntland farta ku fiiqayee , maaxaad uga hadliweysey boqolaalka milyan ee sanad kasta lagu baduugo villa xamar.
    Oo badanaa loogu adeegsado ficilo lid ku ah jiritaanka umada soomaaliyeed.

    Dhismihii kabayaasha dhaqaalaha ee puntland jaleecno, — waa la ogyahay in villa xamar iyo dabadhilf yadeeda banadeen.

    Somaliya waxay maanta maraysaa maalin marxaladeedu adagtahay, oo calaamo suaal weyn???– Ayaa saaran jiritaankeeda iyo qarannimadeeda iyo wadajirkeeda.
    Taasna waxaa sababay nimankaan sida sahlan talada wadanka ula wareegay.

    Ficilada xun ee villa xamar waxay sahlayaan in reer puntland hurdada dheer ka toosan oo garowsadaan in qarannimo somaaliyeed ee caga dhigata ay suurta galahayn. Waa in reer puntland isu diyaariyaan lagama maarmaanka oo ka xoroowbaan villa xamar. Labadii heshiinweeyda way is furaan.

  12. INA AF WALIINJE WAXAA LEEYAHAY ADIGA AABAHAA QAYAANADII PUNTLAND KA GASHEEN, ARINTA TUKARAQNA AABAHAA WUXUU RABAA INUU DHAAFSIISTO GABAR YAR OO REERA AY SIIYEEN, MA GABAR BUU KA WAAYEY PUNTLAND, NIN BAA HABAR SINGLE MOM AH HABEENKII U TAGI JIREY MARKAAS BUU WAXAA NAFTA U KEENEY WIIL YAR OO AY DHASHEY OO HABEENKII XILIYADA DANBE MARKUU SHAQADA KU JIRO WIILKII YARAA OO RABAA INUU IBTA HOOYADII JAQO WAA MUGDIYE ODEYGII XINIINTIISA JAQA, SUBAXII DANBE BUU AROOR HORE KASOO BAXAY MARKAAS BUU KU YIRI WAR MA TII HORE BAAN TANA IIGU DARTEY, INA AF WALIINJOOW AFKII BAA IDIN WEEYNAADEY MARKA MA MAR KALE BAA AFKII KALA TAAGEYSAAN WAAR ORDOO TAXI GII AAD WADI JIRTEEN UBER BAA BADALAYEEY ORDO SHAQO TAGA WAQTIGIINI WAA DHAMAADEE, WAXAA QALAD AHAA AF WALIINJE IN LAGU DARO AQALKA SARE SHAME ON YOU, MAXAA CABDI WELI IDINKA GALEY CABDI DALDHIS BAA LA YIRAAH OO WUXUU KA TAGEY LEGACY WAAN NIN SHAHAADOOYIN WATA EE ORDOO ILLAAH CAMAL WEYDIISTA, AF WEYN HA TAAGINE. VIVA CABDI DALDHIS FORSA PUNTLAND

Leave a Comment