FALANQEN: Maxay ka dhigan tahay Xayiraadda Hubka ee laga qaaday dalka Eritrea, Yaase ka faa’iidaya?

NEW YORK(P-TIMES)- Gollaha Ammaanka ee Jamciyada Qaruumaha ka dhaxaysa ayaa cod aqlabiyad leh ku meelmariyey in xayiraadda dhaqaale, Hubka iyo mid shaqsiyaadka saaranba laga qaado dalka yar ee kuyaala Geeska Africa ee Eritrea, taas oo la saaray sagaal sanno kahor, mar ay gobalkaas ka socdeen dagaalo adag oo u dhaxeeya ciidamada Midowga Africa iyo Al- Shabaab oo lagu eedeynayay in ay Asmara gacan siiso.

Guddiga baarista Cunaqabateynta hubka ee Eritrea iyo Soomaaliya ayaa laga sheegay madasha in ay ku guuldareysteen in ay kenaan cadeymo ku  filan arrimaha lagu eedeynayay Xukuumadda Asmara, waxaana goluhu go’aansaday in gabi ahaanba la qaado xayiraadaas, iyadoo la sheegay in ay tahay mid si dhameystiran u hirgalaysa waqti xaadirkan.

Si weyn ayaa loo falanqeynayaa Arrimaha ku saabsan isbedelada xooga badan ee kasocda gobalka Geeska Africa, waxaana ilaa hadda su`aalo badan dul-hoganayaan qaabka iyo fikirka ay tahay in uu dhinac kastaa u hogaansado fursadaha una qaabilo, iyadoo Soomaaliya ay qeyb ka noqotay Isbedelada socda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qeyb ka noqday is aragyo kala duwan oo dhemxaray Hoggaamiyaasha Itoobiya, Eritrea, waxaana uu daaha ka rogay in lasoo afjaray Sannadyo badan oo faragalin qaawan ay wadamadaas ku hayeen arrimaha gudaha ee Soomaalida.

Ka sokow in la joojiyey hab dhaqankaas, dad badan ayaa rumeysan in ay joojiyeen waqtiga, balse mar kasta ay u nugushahay Soomaaliya in lagu sameeyo faragalin gudaha oo toos ah, maadaama aysan dhisneyn haykalka dawladnimada dalka.

Shaki ma saarna in ay Asmara gaartay guul siyaasadeed tii ugu xooga badneyd, oo ku wajahan in xayiraadii dhaqaale, Hubeed iyo shaqsiyaadka dul-hoganaysayba laga qaaday, waxayna hadda awood buuxda u leedahay soo iibsashada hubka, dhaqaalaha iyo heshiisyo waa weyn oo ay gali karto.

Dalalka Sacuudi iyo Imaaraatka Carabta ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin kuwa ugu badan ee faragalinta tooska ah ku sameeyey arrimaha xayiraaddan in laga qaado Eritrea, iyagoo doonaya in ay dalkaas ka dhigaan mid ay uga maarmaan danaha uga xiran dalka Muslimka ah ee Soomaaliya.

Falanqeeyaasha ayaa leh “Eritrea waxay heshay mid kamid ah ujeedooyinkii ay ka lahayd Iskaashiga gobalka tii ugu fiicneyd, waxayna hadda bilaabaysaa wadiiqo kale oo ay kuba hantin karto gobalka Geeska Africa oo dhan, Hoggaamiyaheedu wuxuu isku haysta Halyeey guul weyn keenay, laakiin xaaladdu ma sahlana ciyaarna maahan waxa socda ee bilowgeeda la arkay” ayay leeyihiin dadka aadka ula socda waxa taagan.

Itoobiya ayaa tanni u tahay fursad kale oo wanaagsan, waxaana ay iyadu xooga saaraysaa sidii ay u heli lahayd dekedaha dalka Eritrea oo ay maalgashi ugu sameyn lahayd, ugana maarmi karto dalka yar ee Jamhuuriyada Jabuuti oo mudo dheer ka faa’iidayay arrimaha is heysiga labada dal.

Addis Ababa waxay hadda wajahaysaa fursad kale oo ay tahay xooga in ay saarto, waxaana Raysalwasaaraha dalkaasi Dr, Abiy Ahmed Ali uu sheegay in go`aanka golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay uu yahay mid gobalka dhabaha guusha ku hagaya ayna tahay in qeyb wadajir looga noqdo.

Xaaladdaha Is-bedbedalaya ee ka aloosan gobalka Geeska Africa iyo kulamada Hoggaamiyaasha sadexda dal ee Eritrea, Soomaaliya & Itoobiya, waxay u muuqdaan kuwa albaabada ka soo xiraya wax badan oo gobalka horey uga jiray, waxaana muuqata in wadamada Jabuuti & Suudaan oo kaliya ay yihiin kuwa hadda ka maqan marxaladdan aan caadiga aheyn ee taagan.

Soomaaliya ayaa loo arkaa in ay faa’iidada kaliya ay tahay in wadiiqadaas ama Iskaashiga gobalku u sahlo in ay hesho yabooh la mid ah midka Asmara, gaar ahaana in markeeda wadajir loogu baaqo in cunaqabateynta hubka laga qaado, waxaana muuqata in wadiiqadaas ay dhici kartoh in la raaco dhamaadka kulamada qaarkood.

Gollaha Ammaanku wuxuu soo qaaday Midowga wadamada gobalka Geeska Africa, oo uu bogaadiyey wuxuuna sheegay in ay hal luuqad oo kaliya ay ku gadi karaan masraxooda siyaasadeed ee gobalka.

 

Leave a Comment