FALANQEYN: M/weyne Farmaajo awood ma u leeyahay in uu Somalia galiyo Iskaashi Gobaleed Siyaasadeed

MUQDISHO(P-TIMES) – Tan iyo bilowgii Isbedelada dalka Itoobiya, waxaa sii kordhayay walaaca ay qabaan shacab badan oo Soomaaliyeed, kaas oo ku wajahan hanaanka ay Soomaaliya qeybta uga noqotay isbedelada aan horey saadaalinta looga heysan ee ka curtay gobalka Geeska Africa, waxaana saxmaddu ay gaartay halkii ugu sareysay.

Sadexdii Is arag ee ay yeesheen Hoggaamiyaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, waxaa ka soo yeeray Raysalwasaaraha xukuumadda Itoobiya hadal muujinaya in uu jiro iskaashi midow dalaleed oo dhexmara wadamadan, kaas oo ka duwan Urur Gobaleedka IGAD oo ay ku mideysan yihiin.

Hadalkii u dambeeyey ee Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed wuxuu ku sifeeyey in sadexda dal-ba ay yeelan doonaan Hal Madaxweyne, taas oo muujinaysa in xaaladda loo socdaa ay tahay midow guud oo siyaasadeed, waana arrin ilaa hadda lays weydiinayo.

Guddoomiyaha machadka Hiraal Institute Xuseen Macalin Maxamuud oo arrinkan ka hadlay wuxuu sheegay in siyaasadda ay tahay mid gudaha ah, oo ku saabsan madaxbannaani , oo aan laga geli karin heshiis.

“Dalalka waxaa ka dhaxeeyo oo ay ka wada hadli karaan xiriir diblomaasiyadeed, oo ah xiriirka arrimaha dibadda, Laakin siyaasadda waa local arrimaha gudaha ah, taasi oo ku dhisan madaxbannaani, lagama galo wadahadal”.

Xuseen Macalin  Maxamuud waxaa  uu intaas ku daray in haddii loo raaco hadalka madaxweyne Farmaajo ay ka dhigantahay labo arrin oo khatar ah.

“Marka hadalkan Farmaajo ee ah iskaashi siyaasadeed waa labo arrin midkood uun: Waa wax isku darsigii uu horay u sheegay Abiy Axmed inay run tahay ama inay tahay siyaasaddeena soo farageli, oo dadka ii caburi, oo fasax la siinaayo”.

Docda kale Mursal  Saney, Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo aanu ku imanin doorasho shacab, isla markaana aanu geli karin heshiisyo siyaasadeed.

”Shacabka masoo dooran 3-dan mas’uul, mid waa kaligii-taliye, labada kalana doorasho kuma iman, midowga siyaasadeed inta aan la sameyn, waa inay khubaro fariistaan, oo la darso, siyaasadda go’aan uma gaari qof siyaasasi ah, waa mid shacabka u taalo, marka ka hadalka iskaashi siyaasadeed, mid meesha ku jirto ma aha”.

mr, Mursal  Saney, waxuu qabaa inay shacabka ay leeyihiin go’aanka kadib marka ay ogaadaan waxa lagu shuraakoobayo

“Marka laga hadlaayo iskaashi siyaasadeed waa Shuraako, siyaasad shirko ma gasho, waa in shacabka ogaadaan waxa lagu shuraakoobayo”.

Guddoomiyaha machadka Hiraal Institute Xuseen Macalin Maxamuud iyo Mursal  Saney, Agaasime ku-xigeenka machadka Heritage oo la hadlayay Goobjoog Muqdisho, waxay labadaba soo qaateen midowga Yurub oo ay sheegeen in si loo midoobo wada hadal badan laga galay, shucuubtana raalika ahaayeen, lana ogaa wax la isku darsanayo iyo wax kale.

Falanqeeyaasha gobalka iyo Caalamkuba waxay wali kujahawareersan yihiin xagga wax loo wado, waxaana muuqata in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysalwasaaraha Itoobiya ay hadda muujiyeen hadalo aad iskugu dhaw dhinaca diblumaasiyadda, kuwaas oo ka dhigan midow gobaleed culus, taas oo xasaasiyad badan ka dhalan doonto.

Itoobiya waxay joojisay in Dal kugalka dalkeeda laga soo qaato wadamada caalamka, ee Afrikada, waxayna sheegtay in laga qaadan karro gudaha dalkeeda, taas oo bar bilow isku socodka horey loo fasaxay, waxaana sidaas oo kale gabi ahaanba yaraaday cadaadiskii lagu hayay shacabka gudaha iyo kan Soomaalida ee soo galayaba.

Isbedelka Geeska Africa waxaa fursadii u horeysay oo wanaagsan ka heshay dawladda Eritrea oo laga qaaday xayiraadda Hubka, waxaana taasi ka mahadceliyey Hoggaamiyaasha Soomaaliya & Itoobiya oo ku sifeeyey talaabo wanaagsan oo la qaaday iyo hadalkooda gobalka oo shaqeeyey.

One Comment

  1. Abdulqadir Tallman says:

    Su’aal: Farmaajo goormuu wax gartaa?
    Jawaab: Goornaba.
    Su’aal: Maxaa ugu wacan garasho la’aanta?
    Jawaab: Armuu maskaxda ka jirran yahay.
    Su’aal: Maxaad uga jeeddaa?
    Jawaab: Cudurka autism-ka oo masxada gala armuu la ildaran yahay.
    Su’aal: Ka warran qaadka la leeyahay afka kama qaado?
    Jawaab: Oodda qaad iyo jiid waa isla guri geyn. Ama qaad ha eersado ama ha qabo
    cudurka autism-ka, kolley meesha masxak fayow ma taallo.

    Gunaanad: Isagana Allaha caafiyo, dalkanan uu Xabashida hoos
    geyn rabana, Allaha ka badbaadiyo. Nin xanuunsan oo
    heshiis ha kuu saxiixaa, habaar ka weyn ma jiro.

Leave a Comment