Gaadiidkii ugu badnaa oo ku xaniban duleedka Caasimada & Ciidamo isku gadaamay kadib mushahar la’aan ku dhacday

MUQDISHO(P-TIMES)- Ku dhawaad 300 oo gaadiidka xamuulka ah ayaa waxaa ay ku xayiran yihiin inta u dhaxaysa deegaanka Carbiska iyo duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose.

Ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay hortaagan yihiin gaadiidkan xamuulka ee qaada raashiinka iyo waxyaabaha quutal daruuriga ah.

Gaadiidkan ayaa waxa ay ku wajahnaayeen gobaladda Baay, Bakool iyo Gedo iyagoona gobaladaasi gaynaya raashiin ay wadeen, waxaana muddo 6 maalmood ay ku xayiran yihiin duleedka degmada Afgooye.

Mid kamid ah darawalada gaadiidkaasi ku xayiran deegaanadaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhibaato xoogan kala kulmeen ciidamada ku sugan deegaankaasi.

Cabdi Fatax Xaaji Cabdulle oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Shabellaha Hoose ayaa isna warbaahinta u sheegay in ciidamo ku labisan dareenka ciidanka dowladda Soomaaliya ay gaadiidka ku dhibaataynayaan inta u dhaxaysa Afgooye iyo Wanla-weyn, isagoona sheegay wadooyinkaasi lasoo dhigay jidgooyooyin lagu dhibaataynayo gaadiidka sida uu hadalka uy dhigay.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in mushaharkii loogu tala galay ciidanka dowladda olole lagu galayo isla markaasna waxa uu tilmaamay in ay aad u cadhaysan yihiin ciidamada, isagoona xusay in ciidanka ay sheegeen in ay ciqaabayaan shacabka ku safra wadada u dhaxaysa degmooyinka Afgooye iyo Wanla-weyn ee gobalka Shabellaha Hoose.

Leave a Comment