Khilaafkii ugu cuslaa oo soo kala dhex galay madaxda Jubbaland & Saraakiisha Ciidamada Xoogga

KISMAAYO(P-TIMES)- Waxaa soo baxaya khilaaf ka dhex jira dowlad goboleedka Jubbaland iyo qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Gedo taasoo ah booqasho la filayo in dhowaan uu ku tego degmooyin ka tirsan gobolka Gedo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa dhacay banaan bax loogaga soo horjeedo madaxweynaha Jubbaland oo ka dhacay magaalada Garbahaarey iyadoo banaan baxani uu ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen xubno ka tirsan maamulka Jubbaland.

Saraakiisha ciidamada XDS ee Baardheere ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha 3 degmo oo ka tirsan gobolka Gedo aysan kasoo degi karin masuuliyiinta maamulka Jubbaland.

Faarax C/Nuur Turbac oo ah taliyaha ururka 49aad Guutada 10 aad ee qaybta 43aad ayaa warbaahinta u sheegay in aysan aqbalin doonin in masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ay yimaadaan gobolka Gedo, waxaana uu shaaca ka qaaday in maamulka Jubbaland uu dhibaato badan ku hayo dadka shacabka ah ee kunool deegaanada Jubbaland sida uu sheegay.

Leave a Comment