Madaxtooyada Somalia oo ku dhawaaqday war wadnaha gooyey Qaramada Midoobe & Farmaajo oo….

MUQDISHO(P-TIMES)- Xilli maalmihii lasoo dhaafay Qaramada Midoobe ay si joogto ah uga hadleysay Jahwareerka Siyaasadeed ee ka jira gudaha Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa ka hadlay xubno kamid ah Madaxtooyadda Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa muuqata in ay si weyn uga Carooday war kasoo baxay Qaramada Midoobe kaas oo looga hadlaayay doorashadda Koonfur Galbeed in ay ku dhacdo si wanaagsan oo dadka degaanka ay ku qanacsan yihiin.

Warka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa ahaa in doorashada Koonfur Galbeed ay u dhacdo ama u qabsoonto hab heshiis is ogol iyo mas’uuliyad ku jirto, taas oo tusaale fiican u noqon karta hab-socodka doorashooyinka ee Soomalaiya.

Cabdisaciid Maxamed Cali La taliyaha ammaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggiisa Twitter-ka waxa uu ku qoray qoraal kooban oo uu ku sheegay in ay muhiim tahay in Xafiiska Qaramada Midoobe aysan soo faragalin Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Cabdisaciid ayaa yiri “Ha faragashan arrimaha gudaha ee Soomaaliya dhaqankaasi waa mid aan lasoo dhoweyneyn”.

 

Hadalka La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka Ammaanka ayaa muujinaya mug siyaasadeed oo ka dhex jira Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

One Comment

  1. Abdiweli says:

    Qaramada midoobey iyo beesha caalamka ayagaa farmaajo iyo qawleysadsdiisa siiya maalka ay wadaka ku minjaxaabinsyaan. UN’ku Xaq bay u leeyihiin in ay ka hadlaan lacagtooda sida loo istacmaalayaan. Hadii farmaajo rabin in suaal La weydiyo, waa in uu kharakiisa jeebkiisa ka baxsadaa

Leave a Comment