Madaxweyne Farmaajo oo ka farxiyey waalidiin badan & Hooyooyin ilmadu ka dhamaatay kadib markii…..

MUQDISHO(P-TIMES)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in xabsi ku yaala dalka Uganda ay kasoo dayso 6 muwaadin oo muddo dhan 4 sano ku xidhnaa xabsi ku yaala gudaha dalka Uganda.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku eedeysanaa dambiyo kala duwan, waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in xabsiga laga soo daayo.

Lixdan muwaadiniinta Soomaaliyeed ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-

1-Mohamed Ahmed Gelle

2-Abdi Abdulahi Bootaan

3-Mohamed Abdulqaadir Hirsi

4-Mohamed Yuusuf Farah

5- Yuusuf Osman Hussein

6-Hasan Abdiweli Mohamud  Calan wade.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore wadamo ay kamid yihiin Itoobiya, Liibiya, Kenya iyo kuwo kale waxa ay kasoo daysay muwaadiniin muddo dhowr sano ah ku xidhnaa halka kuwo kale la qorshaynayo in lasoo daayo.

 

Leave a Comment