DAAWO:Magaalada Gaalkacyo oo maanta kala xiran & Jidadka waa weyn oo shacabkii ugu badnaa…..

BOSASO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in dad caraysan ay maanta banaan bax ka dhigeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dadkan banaan baxa dhigaya ayaa waxa ay ka careysan yihiin maxkamada dowladda Puntland oo xukun dil toogasho ah ku riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo la sheegay in uu yahay ganacsade.
Banaan baxayaasha ayaa isugu haween iyo caruur ayaa waxa ay xireen wadada dhex marta bartamaha magaalada Gaalkacyo iyaga oo ku gubay taayaro, taas oo keentay in isku socodkii dadka iyo gaadiidka uu hakad galo.

Cabdirasaaq Xuseen Tahliil oo dadka banaan baxa kaga horjeeda xukunkiisa dil ayaa dalbanayey in lasii daaya, waxaana dhawaan ay ahayd markii hoygiisa kala baxeen ciidamada Puntland kadib markii lagu soo eedeeyay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab. 

Leave a Comment