Musharax Siciid Deni oo maanta ka soo dagaya magaalada Boosaaso.

BOOSAASO(P-TIMES)- Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada Puntland ayaa maanta lafilayaa in uu kasoo dago magaalada Boosaaso, waxaana qabanqaabadiisa si weyn looga dareemayaa magaalada.

Musharax Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmihii lasoo dhaafay diyaar garoow laguu xiray soo dhaweyntiisa, waxaana ka qeybgalaya Kumanaan qof oo iskaga kala yimi gobalada kala duwan ee Puntland.

Ammaanka ayaa la adkeeyey, sidaas oo kale jidadka oo dhan ayay yimaadeen dad badan oo kamid ah taageerayaasha Musharax Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana ay soo dhaweyntan ka duwan tahay kuwii horey loogu sameeyey musharaxiinta qaarkood.

8 Jan 2019 doorashada Madaxweyne-nimada ayaa lafilayaa in ay ka dhacdo Puntland, waxaana tartamaya in ka badan 20 musharax oo kamid ah siyaasiinta Puntland.

FAAHFAHINTA FILO GOOR DHAW

Leave a Comment