Muuse Biixi oo nafta u yaaban & Korneyl Caarre oo madaxtooyada Somalia gudaha u galay kadib markii…..

HARGEYSA(P-TIMES)- Wargeyska Foore ayaa helay xog ku saabsan xidhiidh toos ah oo khadka Telefanka ah oo dhex maray Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Hogaamiyaha Jabhadda Somaliland ka goosatay ee Puntland Saldhiga ka samaysatay Korneyl Siciid Cabdi Jaamac Caarre iyo arimaha ay ka wada hadleen.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu Wargeyska Foore soo gaadhsiiyay Masuul Xukuumadda Soomaaliya ka tirsan ayaa noo sheegay in maalinimadii Jimcihii ee Doraad uu gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya kula kulmay koox uu sheegay inay la balansanaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay hayb hoose isku ahaayeen Raysal Wasaare ku xigeenka.

Ilo wareedkan ayaa waxa uu wargayska u sheegay in kooxdaasi ay u sheegtay in kulankii ay Raysal Wasaare ku xigeenka la lahayeen uu dib uga dhacay islamarkaana uu Raysal Wasaaruhu kaga mashquulay arin uga timid dhinaca Kornaylka Jabhadda ku haysta Puntland ee Somaliland Ka goostay ee Caare kaasi oo sida ay sheegeen ay ka wada hadlayeen arimo gaar ah.

“Anagoo Kujirna Xafiiska Raysal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa u soo dhacay Telefan, Marqudha ayuu nagala kacay telefankii, Dabadeed Xoghayntiisii ayaa nagu wargaliyay Inuu Ku Mashquulsan yahay arin ku saabsan Kornaylka Jabhadda Samaystay ee Somaliland ka goostay ee Saldhigga ka samaystay Puntland Kornayl Caare, waxaanu ka maqlaynay inay islahaayeen wixii aad noo balan qaadeen deg deg noo soo gaadhsiiya, iyo waxaanu hadda ku talo jirnaa inaanu Gudaha Somaliland u galno oo aanu hawlgalo ka fulino Goobo cayiman, intaasi ayaa nagaga soo duul duushay intaan xafiiska nalaga soo saarin ee aanaan dibada uga soo bixin, Kornayl Caare ayaa khadka telefanka kala hadlayay” ayay hadalkooda ku soo gaabiyeen”.

Masuulkan Wargeyska Foore uga waramay dhacdadan oo Golaha Wasiiradda Xukuumaddda Farmaajo ka tirsan ayaa noo xaqiijiyay in Raysal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed uu hadda u qaabilsan Xukuumadda Soomaaliya la xidhiidhista iyo ka warhaynta Jabhadda Somaliland diidka ah ee Somaliland ka goosatay ee Puntland u gashay,waxaanu noo sheegay inuu hadda ku guda jiro sidii jabhadaasi ugu soo guuri lahayd Gudaha Soomaaliya islamarkaana ay hawlgalo uga fulin lahayd.

Waxa uu sidoo kale noo sheegay inuu hadda ku hawlan yahay soo gaadhsiinta Jahadda Caare agab iyo lacag ay Dawladda Soomaaliya ugu talo gashay taasi oo ay ujeedadeedu tahay sidii ay u xoojin lahayd jabhaddaasi iyo sidii ay u wiiqi lahaayeen Awooda dhinaca Amniga Somaliland.

Leave a Comment