Shariif Xasan oo ka laalaabtay agabkiisii Baydhabo & Dal caan ah oo uu iska dhiibay kadib markii….

BAYDHABO(P-TIMES)- Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed ee shalay xilka ka degay ayaa ka dhoofay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa kusii jeedda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo uu saldhig ka dhigan doono tan iyo inta uu dib ugu laabanaayo siyaasadda Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaa Muddo Afar sano ah ahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana uu ka mid yahay Siyaasiyiinta Sameynta weyn kulahaa Siyaasadda Soomaaliya,isagoo Mudo ka badan 15 sano aan meel uga bixin.

Shacab fara badan, wasiiro iyo xildhibaano ayaa kusii sagootiyay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Baydhabo.

2 Comments

  1. Abdiweli says:

    Maarki dhiida gaadho ayaa ninku waxuu yahay la arkaa. Shariif maatadii konfur galbeed ayuu horor iyo waraabe uga cararay.

  2. Abdiweli says:

    Tolow yaa ku xigin.

    Ma xaaf baa xaglaha isku maran oo gudoomiye xafad noqon.

    Ma Madoobaa marin habaab ku dhicin, oo maroodigu dardarin, oo mambaasa mandhasi ku cunin.

    Ma Gaas baa xilkiisa gabagabeyn oo galbeed u gacan haadin.

    Mise farmaajo ayaa faraxanuun ku dhicin oo faruuruhu go’in oo fartaagnimadii ka fogaan .
    Ma ku shalaa’i doonaa “Allow maxaan u farfareeyey oo fiirsi dheer u lahaanwaayey. Allow Firxadayee maxaa i faray ficil xumada”

Leave a Comment