WAR DEG DEG AH:- Afhayeenkii Golaha Iskaashiga D/gobaleedyada Oo Is Casilay, Sababtana Shaaciyay.

BAYDHABO(P-TIMES)-Afhayeenkii Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa Afhayeenimo.

Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa is casilaadiisa ku sababeeyey inay tahay maadaama uu is casilay Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Wuxuu tilmaamay inuusan afhayeen sii ahaan karin maadaama uu Meesha ka baxay madaxweynihii uu markii hore meesha ku imaaday.

Is casilaada Cabdullaahi Shiikh Xasan ayaa kusoo aadeyso xilli uu isna daqiiqado ka hor xilkii iska casilay Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Share on Facebook

3 Comments

  1. Galahad Mamul goboleedyadu lacagtii Puntland ayey isticmaali jireen dhaqala darada Puntland iney usababyihiin filaa. Ha barburaano idan Allah… We love central government.

  2. GAAS baa looga booday,
    Dhiiga baa ku karay.
    Ciidamo+xisbi siyaasadeed hawlo aan jirin baa loo dhisay oo hadana laysku casilay.
    GO’DOON SIYAASADEED DAL IYO DIBADBA.

  3. Guul daro kale oo Gaas usoo hoyotay. Film been ah baa loo jilay hadana looga baxay.
    Shariif sakiin waxaa lasoo hadlay Ismaaciil cumar geele oo anti-PUNTLAND ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.