Ganacsade goor dhaw lagu dilay magaalada Boosaaso & Garsoore xalay la dhaawacay.

BOOSAASO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in goor dhaw la dilay mid kamid ah ganacsatada magaalada, oo lagu magacaabo Ahmed Ali Dalaqo  waxaana la xaqiijiyey in la dilay gudaha Suuqa magaalada.

Ganacsadaha la dilay ayaa la sheegay in uu kamid ahaa Shirkada Saabir ee magaalada Boosaaso, waxaana dadku ay walaac ka muujiyeen dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan kooxaha hubeysan.

Saraakiisha Laamaha Ammaanka oo madasha tagay ayaa tagay goobta dilku ka dhacay, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in aan la qaban kooxihii ka dambeeyey dilkan, mana jirto faahfaahin dheeraad.

Mid kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xalay lagu dhawaacay magaalada Boosaaso, waxaana baxsaday kooxihii falkan ka dambeeyey.

Falalka amni daradda ah ee laga geystay xalay iyo maanta gudaha magaalada Boosaaso ayaa ku soo beegmaya xili Puntland ay ku jirto tartan doorasho, sidaas oo kalena Hay’addaha Amniga ayaan wali war kasoo saarin arrimahan hadda ka taagan Boosaaso.

Leave a Comment