WAR DEG DEG AH: Qaraxyo Culus oo Gil-gal Muqdisho & Dhawaqa Rasaasta oo la Maqlayo..

MUQDISHO(P-TIMES)-Wararka laga helayo Magalada Muqdisho ayaa Sheegaya in Qaraxyo xooggan ay goor dhoweyd ka dhaceen agagaarka Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Qaraxyada oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay agagaarka Hotel Saxafi iyo Xarunta CID, waxaana wali si rasmi loo ogeyn bartilmaameedka rasmiga ah.

Goobaha qaraxyada ka dhaceen ayaa ah goobo istiraatiiji ah, waxaana bartilmaameedka u muuqdaa inay yihiin goobahaas ku dhow Isgoyska KM4, Iyadoona haatan Rasaas culus oo u muuqatay kuwo la is weydaarsanayay laga maqlayo halka qaraxyada ka dhaceen.

WIXII KASOO KARDHA KALA SOCO PUNTLAND TIMES.

Leave a Comment