WAR DEG DEG AH+AKHRISO: War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii Madaxda Somalia, Itoobiya & Eritrea.

BAHAR DAR(P-TIMES)-Magaalada Bahra dar ee Gobalka Amxaarada Dalka Itoobiya waxaa Goor-dhaweyd lagu soo Gaba-gabeeyay shir saddex geesood ahaa oo ay lahaayeen Madaxda dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea,  iyadoo madaxda ay qaateen wada tashiyo qoto dheer oo saacado badan qaatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shirkooda labaad diiradda ku saaray is bedeladii taariikhiga, nabadda iyo is dhex galka Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale waxay Madaxda dib u eegis ku sameeyeen heshiiskii iskaashi ee ay bilo ka hor ku kala saxiixdeen magaalada Asmara, horumaradii iyo guulihii laga gaaray.

Madaxda ayaa waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax banaanida, dhuleed, mid siyaasadeed ee Soomaaliya, waxay muujiyeen taageeradooda adag ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo hey’adaheeda, waxay kaloo ammaaneen dadaalka dowladda ugu jirto soo celinta nabadgelyad iyo xasiloonida

Madaxda saddexda dal ayaa soo dhoweeyay dadaalada la doonayo in cunaqabateynta looga qaado dalka Eritrea, taasoo lagu wado in dhowaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka qaado cunaqabateyntii saarneyd dalkaas.

Leave a Comment