WAR DEG DEG AH:Ciidamadii ugu badnaa oo gaadhay jiidaha hore ee dagaalka Gobolka Sool & Ethiopia oo nabad kala dhex dhigi doonta Beelihii xili Puntland iyo Somaliland ay……

GAROOWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia la geeyey magaalooyinka Saax Dheer iyo Dhumay oo kawada gobolka Sool dhawaana ay ku dagaalameen labo beeleed oo wada dega deegaanadaasi.

Ciidamadan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in la geeyay deegaanadii dhowaan ay ku dagaalameen malayshiyaadka beelaha Bahararsame iyo Qayaad.

Dhinacyada Puntland iyo Somaliland oo weli kama hadlin ciidamada ka socda dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia ee tagay deegaanadan ka tirsan Koofurta gobalka Sool waana markii ugu horaysay ee ciidamo ka socda Ethiopia oo nabad ilaalin ah la geeyo gobolka Sool.

Ku dhowaad 60 qof ayaa ku dhintay ku dhowaad boqol kalena waa ku dhaawacmeen dagaal beeleedkii ka dhacay deegaanka Dhummay, waxaana xilligan ku sugan deegaankaasi isimadii ugu badnaa ee ka socda dhulka Soomaalida si xal looga gaadho xiisadaha u dhaxeeya dhinacyadii dagaalamay.

Leave a Comment