WAR DEG DEG AH:Muuse Biixi oo lagaga kacay Gobolka Sool & Wasiiradiisii oo qiil qiil ku baxsaday kadib markii…..

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Xili 21-ka bishani November la filayo in ay gaadhaan magaalada JigJiga ee xarunta dowladd deegaanka Soomaalida xubno matalaya beelihii kuwada dagaalamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool isla markaasna dhawaan gudida dhex dhexaadinta labada beelood ay gobolka Sool kasoo saareen qodobo hor dhac ah oo heshiis ah ayaa waxaa shirkaasi laga celiyey wasiiro ka socda maamulka Muuse Biixi oo qorshahoodu ahaa in ay ka qayb galaan shirka nabadeynta labada beelood ee Qayaad iyo Baharasame.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin iyo wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Koore ayaa kamid ahaa xubnaha albaabka laga xidhay, kadib markii waxgaradkii ka qayb galayey shirka nabadeynta beelaha walaalaha ah ay ku eedeeyeen shakhsiyaadkaasi in ay qayb ka qaateen colaadii ka dhacday gobolka Sool iyo hurinteeda.

Isimadda dhaqanka ee ka qayb galay shirkaasi ayaa ku baaqay in shirka laga madax banaaneeyo siyaasad isla markaasna laga wada shaqeeyo sidii looga hor tagi lahaa colaad kale oo ka dhacda deegaanka Dhumay ee Koonfurta gobolka Sool.

Madaxweynaha dowladd deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa isagu haatan tuurta ku qaatay dhamaystirka shirka nabadeed ee beelaha Qayaad iyo Baharasame, waxaana dhinacyada beelahaasi ugu baaqay in ay soo xaadiraan magaalada JigJiga si loo dhamaystiro qorshaha nabadeed.

Beel kasta ayaa waxaa ka tagi doona 21 xubnood, waxaana qodobadii lasoo saaray kamid ah xabad joojin iyo in beel walba ay kusoo diyaar garowdo muddo dhan saddex bilood sidii shirka JigJiga ay uga qayb galaan.

Arintani ayaa waxa ay dhabar jab xoogan ku tahay maamulka Somaliland oo qayb ka ahaa colaadaasi, waxaana xiligani xaalku u muuqdaa mid ku cakiran hogaanka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo gabaad awal bidi jiray colaadaha ka taagan gobolka Sool.

2 Comments

  1. Abdiwel says:

    Waa arin fiican.

  2. Haliye says:

    GAAS SOOL FAATAXO laguma qabsan weli balanqaadkiisii wax maka qabtay.

Leave a Comment