Wararkii ugu dambeeyey ee Tukaraq & Ciidamada Puntland Iyo Somaliland oo hubkii ugu cuslaa isku diyaarsaday xili…..

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno saaka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xaalada deegaankaasi maanta kacsanaan laga dareemayo kadib markii dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka bilaabeen deegaankaasi ciidamada Puntland isla markaasna maalintii shalay ahayd ciidamo taabacsan Puntland ay jidka u galeen wafti ka socota Somaliland oo kusii jeeday deegaanka Dhumay si ay uga qayb galaan shirka JigJiga ee lagu dhex dhexaadinayo beelihii dhawaan kuwada dagaalamay deegaankaasi.

Inkastoo ka qayb galka shirkaasi loo diiday waftiga Somaliland ka socday oo uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa waxaa tan iyo Khamiistii lasoo dhaafay ka socday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool diyaar garow dagaal oo ay wadaan ciidamada Puntland.

Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland iyo taliyaha guud ee ciidamada Puntland ayaa marar kala duwan booqasho ku tagay jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq, waxaana dar daaran iyo khudbado xasaasi ah u jeediyeen ciidamada difaaca Puntland oo haatan isku diyaariyey dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhanka ah ciidamada maamulka Somaliland.

Dhanka kale magaalada Goday oo ka tirsan dhulka Soomaalida Ethiopia ayaa waxaa maanta gaadhay waftigii iyo ergooyinkii maalintii shalay ahayd ka amba baxay deegaanka Saax Dheer si ay nabad u kala dhex dhigaan labada beelood ee Qayaad iyo Baharasame, waxaana deegaankaasi soo dhoweyn ugu sameeyey qaar kamid ah madaxda dowladd deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo isimo kasoo jeeda deegaankaasi.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada JigJiga uu ka furmo shirka nabadeynta beelaha Qayaad iyo Baharasame, waxaana rajo wacan ka muujinaya shirkaasi qaybaha kala duwan ee bulshada halka beelaha dirirtu dhex martayna laga sugayo in ay ka qayb galaan shirkaasi.

Leave a Comment