WARBIXIN+XOG: DF Soomaaliya saameyn miyay ku leedahay doorashada Puntland ee 2019-ka, Yeyse taageeraysaa?

GAROOWE(P-TIMES)- Puntland doorashooyin ayaa kusoo fool leh, kuwaas oo dhacaya bisha January 2019-ka, waxaana ilaa hadda si weyn ugu loolamaya musharaxiin kala duwan oo saameyn gudaha ku leh arrimaha siyaasadda.

Dawladda Faderaalka Soomaaliya ee hadda joogta ma wanaagsana xariirka kala dhaxeeya dawlad gobaleedyada oo dhan, waxaana ay xooga saaraysaa sidii ay u heli lahayd musharaxiin ay taageero maaliyadeed ku garab istaago si ay ugu soo baxaan Madaxweyne-nimada Puntland.

Mandiqada si weyn ayaa looga hadal-hayaa faragalinta dawladda Faderaalka ee doorashooyinka Puntland, waxaana la rumeysan yahay in ay taageero siinayso labo kamid ah ragga loolanka hadda ugu jira Madaxweyne-nimada Puntland, kuwaas oo hadda loolankooda ka wado gudaha mandiqadaas.

Warar ay heshay Puntlandtimes.com waxay cadeynayaan in musharaxiinta ay hadda taageerayso dawladda Faderaalka ay qaarkood cabsi ka qabaan nabaro siyaasadeed oo kasoo gaara arrimaha ay gacmaha kula jiraan.

Mid kamid ah Musharaxiinta lagu eedaynayo in uu taageero ka haysto dawladda Faderaalka ayaa iska difaacay eedahaas, wuxuuna ka sheegay magaalada Boosaaso in uusan taageero cidna uga baahneyn, uusana gorgortan ka galeynin arrimaha ku wajahan Puntland.

Maxamuud Khaliif Jabiye oo dhawaan baabuur aan xabadu Karin kala yimi magaalada Muqdisho, ayaa dad badan ku eedeeyeen in ay siisay dawladda Faderaalka Soomaaliya, ka dib markii duulimaadka diyaaradeed ee keenay Garoowe, uu maalmo ka hor isla xiligaas Baydhabo geeyey gaadiid aan xabadu Karin oo ay lahayd dawladda Faderaalku, kuna taageeraysay musharaxiinta Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Musharax Jabiye ayaa beeniyey eedaha ku saabsan taageero in uu ka helay dawladda Faderaalka, wuxuuna ku dooday in uu yahay Ganacsade awood u leh in uu baabuurkaas soo gato, isagoo sheegay in gaarigan uu kala yimi dibada dalka, oo ay og yihiin Madaxda Sare ee dawladda Puntland, xili uu ka hadlayay magaalada Boosaaso.

Shaki ma saarna in ay dawladda Faderaalka saameyn ku dhex leedahay musharaxiinta iyo doorashada Madaxtinimada Puntland, balse warar kala duwan ayaa soo baxaya, iyadoo ay dad badan aaminsan yihiin in aysan saameyn badan yeelan doonin musharaxiinta dawladda Faderaalku ay bari-taarayso.

Inta badan siyaasadda Puntland ee kuwajahan Soomaali-weyn ayaa ah mid aan isbedelin waxaana doorashadii 2014-kii ay dawladda Faderaalku taageero siisay mid kamid ah musharaxiintii doorashada xiligaas ku jiray, iyadoo doonaysay in Kursiga la dhaafiyo Madaxweynihii xiligaas Cabdiraxmaan Faroole.

Waxaana laga guuleystay Dr, Faroole, iyadoo uu guuleystay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, balse isbedel mugweyn kuma imaan wada shaqeyntii labada dhinac, taas oo keentay in markale ay hadda dawladda Faderaalku doonayso taageerida musharax kale.

6 Comments

  1. Garowe says:

    Puntland for sale

  2. Abdi says:

    Baabuurka jebiye wato ma aha baabuur laga isticmaalo somalia, keligiis ayaaba ka yaal wadanka. Baabuurta federalku haystaan waa kuwa cweli wato oo kale. Xaasidnimada hala iska daayo cabsi laga qabo ayaa federalka loogu eedaynayaa. Cweli waa tuu lahaa laascaanood faataxo laguma qaadan sow isagu tukaraq faataxo kuma bixin.

  3. Dalmar says:

    Waxa ugu daran Jabiyaha dardaran ee dufan jecel kaa ah oo Warshadii Las-Qoray dollar keedii dhacay ee Maraykan doonayee, Khayre soo diroodee Puntland soo dumi lagu yiri. Waase iga su’aale dad ma dooran doonaan?

  4. Nabad iyo Nolol says:

    Puntland wax la yiraahdo ma jirto. Waxa uu dambaysa wax yar maamul goboleed wax la yiraahdo. Dalka Somalia hal dowlad, hal caasimad, hal madaxweyne ayaa leeyahay.

    Gaas Kiniiini daawadiisa ha qaato maskaxda ayaa ka jiran yahay asaga iyo qofka tageeraba.

  5. Cumar says:

    Nabar iyo Naxdin

    Hadi aysan Puntland jidhin ma waxa jidha Muqdishoda maalin walbo qarxahaysa? Duuf ku baxe Farmaajo hogaamiye kooxed fashilmay waaye.

  6. Wadani says:

    Qabiilka iyo naceebka iska daaya aad musharaxiinta war qaab qablaaladeysan balse farmeesan rabtaan inaa shacabka ogu been sheeg taan,mida kale Jabiye hadey dowlada tagerto uu gulesto nin Ethiopian ah baa mise waa Somali ree puntland ah

Leave a Comment