Warkii ugu cuslaa oo kasoo kordhay jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq & Ciidamada Puntland Iyo Somaliland oo….

GAROWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee maanta Puntlandtimes.com ay ka helayso deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool iyo deegaamada ku hareeraysan ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad dagaal ay maanta ka taagan tahay deegaankaasi.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkayaa hareeraha Tukaraq, waxaana gudaha deegaankaasi galoo baxaya cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland.

Mid kamid ah saraakiisha hormuudka u ah ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Tukaraq ayaa sheegay inay heegan culus ku jiraan ciidamadu isla markaasna ciidanku ay diyaar u yihiin sidii ay u xoreyn lahaayeen dhulka maqan ee Puntland.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Sarreeye Guuto Cabdishukri Cabdullaahi oo xilka la wareegey ayaa gaadhay jiidaha hore ee dagaalka gobolka Sool, wuxuuna ku dhawaaqay dagaal lagu xoraynayo deegaanada ka maqan gacanta Puntland isla markaasna ciidamada waxa uu ugu baaqay in ay dagaal isku diyaariyaan.

3 Comments

  1. Haliye says:

    Inta Gaas joogo ma heli doonaan waayo Gaas waa GAAS no more lies waa lays bartay.

  2. will oog says:

    PUNTLAND WAX KA MAQANI MA JIRAAN…WAXAY XOREYNAYAAN NA MA JIRTO. WAAYO WAXAA LA XOREEYAA MEEL AAD LEEDAHAY OO CID AJAANABI AHI KAA HAYSATO..BEENTA IYO BULQAASKA DADKA KALA FADHIISTA

  3. PUNTLAND WAX KA MAQANI MA JIRAAN…WAXAY XOREYNAYAAN NA MA JIRTO. WAAYO WAXAA LA XOREEYAA MEEL AAD LEEDAHAY OO CID AJAANABI AHI KAA HAYSATO..BEENTA IYO BULQAASKA DADKA KALA FADHIISTA

Leave a Comment