XOG: Maxaa Kasoo Baxay Kulankii M/weyne Farmaajo Iyo G. Baarlamaanku ka yeesheen Xaalada KGS ?

MUQDISHO(P-TIMES)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa xalay kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Wararku waxaa ay Sheegayaan in Labada Masuul ay Kulankooda si gooni ah uga wada-hadleen Xaalada Deegaanafada Koonfur galbeed oo uu Shariif Xasan Hoggaaminteedii iska casilay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale intii uu kulan kooda socday iska xog-wareystay xaaladaha guud ee dalka iyo sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee Dowladda.

Kulanka Madaxweynaha iyo Gudoomiyha Baarlamaanka ayaa yimid ka dib markii shalay uu is casilay Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn loogu eedeeyay in ay faragelin ku heyso doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

One Comment

  1. Abshir says:

    Dowlada Nabar iyo Naxdin wax ay ka qaadahayso Puntland ma jidho.

    Farmaajo waa madaxweynaha qaraxyada iyo burburka.

Leave a Comment