Xog:Qaar kamid ah Wasaaradaha Somalia oo qarka u saaran in ay is xiraan & Korontadii oo laga goostay + Sabab

MUQDISHO(P-TIMES)- In ka badan 5 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, waxaa laga goostay korontadii  kadib markii ay muddo 4 bil ah iska bixin waayeen lacagtii.

Wasaaradaha koronto la’aanta ah waxaa ka mid ah: Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo wasaarado kale oo muhiim ah.

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradahaasi, waxaa jirtay inta aan korontada la goosan ay shirkadda korontada digniin siisay xarumahaas wasaaradaha si ay u bixiyaan laakin ay guul-dareysteen  kadibna laga goostay.

Qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa ku qasbanaaday inay shirar ku galaan Hoteellada u dhow xarunta, mugdiga iyo koronto la’aanta awgeed.

Mar aan weydiiney sababta waxaa ay sheegeen inay tahay arrimo la xiriira maaliyadda, iyaga oo waayey qarashkii howlahan oo kale lagu socod-siin lahaa ee “running costs”, wasaaradda maaliyadda ayaana mas’uul ka ah arrimahaas.

Goobjoog News waxaa kale oo ay ogaatay in dhibka aanu koronto keliya aheyn, oo wasaaradaha loogu hanjabay inay biyaha laga goosan-doono.

Mas’uuliyiinta wasaaradahaasi waxaa ay leeyihiin, waxaa is-qaban la’a in ay wasaaradda maaliyadda JFS dhahdo waxaa kordhay dakhliga gudaha iyo canshuur bixinta isla markaana ay iska bixin weyso qarashkii korontada iyo biyaha xarumaha ay deggan yihiin.

Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay iskudeyday inay la xiriiro wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle iyo shirkadaha korontada, laakin ma gaarin, qaarna kama helin jawaab.

Xigasho Goobjoog News

Leave a Comment