DEG DEG:Ciidamadii ugu badnaa oo caasimada lagu dhex fasaxay & Kolonyo Qaraxyo ah oo gudaha u galay magaalada kadib markii…..

GALKACYO(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dad gaadhaya 30 qof xabsiyada loo taxaabay kadib markii ay gacanta ku dhigeen ciidamada amaanku.

Dadkan la xidh xidhay ayaa la sheegay in looga shakiyay qaraxyo la sheegay in lasoo galiyey magaalada dhaxdeeda, waxaana jirta cabsi xoogan oo ka taagan gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada amaanka Galmudug ayaa aad u adkeeyey amaanka magaalada Dhuusamareeb, kadib qaraxyo laga shaki qabo in gudaha loo geliyay caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa kulamo la qaatay saraakiisha laamaha amaanka, waxaana amar buuxa la siiyey ciidamada DANAB iyo kuwa sirdoonka oo jifnaan dheeraad ah haatan ku jira.

Wadooyinka magaalada ayaa ciidamo dheeraad ah lagu arkayaa, waxaana socda baadhitaano xoogan oo ciidamo ay wadaan.

Leave a Comment