DEG DEG:Garoonkii ugu weynaa Galmudug oo qarka u saaran in uu isku xidho xaalada amni & Ciidamo hor leh oo….

GALKACYO(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in hakad la galiyey shaqadii garoonka diyaaradaha ee magaalada Hobyo oo mudooyinkii ugu dambeeyey ahaa mid aad u shaqaynayey.

Arintani ayaa loo sababaynayaa in ay jirto cabsi ku aadan dhanka amaanka kadib markii ciidamadii sugi jiray amaanka garoonkaasi ay kawada tageen shaqadoodii qaarkoodna laga caydhiyey.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hobyo ayaa sheegay in ay jireen ciidamo loogu talagalay in ay sugaan amniga garoonka diyaaradaha laakiin markii ay shaqadoodii gudan waayeen lay caydhiyey isla markaasna haatan ay yihiin dibed joog.

Madaxda Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay soo faragaliyaan arimahani isla markaasna garoonka ay soo gaadhsiiyaan ciidamo suga amaankiisa.

Garoonka diyaaradaha ee degmada Hobyo ayaa xiligani wax shaqo ah aysan ka socon, waxaana xaalku u muuqdaa mid hadii uu sidaasi ku socdo is xidhi kara.

 

8 Comments

  1. try it at is cheap

    3c7e atos medicamentos is

  2. is be toronto

    3c7e pic of at is pill

  3. is swiss

    3c7e click now be is las vegas

  4. dose for is

    3c7e is professional drugs

  5. click now be at is

    3c7e is vs levitra vs is

  6. non prescription is 20mg

    54dd why bathtubs in is ads

  7. be 36 hour is

    54dd is 5 mg prezzi

  8. at is online be

    54dd 25 mg is side effects

Leave a Comment