DEG DEG:Gudidii uu magacaabay Camay oo noqday tusbax la furay & Xubno hor leh oo casilay kadib markii….

BOSASO(P-TIMES)- Wararka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhoweyd uu iska casilay xubinmadiisii gudida xalinta khilaafaadka ee uu magacaabay madaxweyne ku xigeenka Puntland Nabadoon Khaliif Aw Cali oo kamid ahaa gudidaasi.

Nabadoon Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay xubintii uu kaga magacownaa gudidaasi, waana shakhsigii labaad ee iska casila gudidii uu magacaabay Mr. Camay.

Nabadoon Khaliif Aw Cali Xubinta Is Casishay

                                                Nabadoon Khaliif Aw Cali Xubinta Is Casishay

Axmed Aadan Carab oo mar wasiir ku xigeen kasoo noqday xukuumaddii madaxweyne Cadde Muuse AUN sidoo kale gudoomiye gobol kasoo noqday gobolka Cayn ayaa maanta isna magaalada Garoowe kaga dhawaaqay in uu iska casilay kasii mid ahaan shaha gudida xalinta khilaafaadka ee madaxweyne ku xigeenku magacaabay maalin ka hor, kadib markii uu sheegay in aanan lagala tashan magacaabista xilkaasi iyo in uusan Camay xaq u lahayn magacaabista xubnaha gudida khilaafaadka Puntland.

Warar kale oo ku saabsan khilaafka Gaas, Camay iyo halka uu hada marato halkan hoose ka akhriso

DEG DEG+DHAGAYSO:Dagaalkii ka dhex qarxay Gaas & Camay oo daafaha u baxay Iyo Qaar kamid ah xubinihii gudidii xalinta oo hada ku dhawaaqay in ay…..

XOG:Waan Waantii laga dhex waday Gaas & Camay oo guul daraysatay Iyo Mowqifyo adag oo la kala istaagay

2 Comments

  1. Abshir Muuse says:

    Madaxweyne Cabdiweli Gaas ha xiro qaainul-wadanka(national traior) la yiraahdo Camay, maxkamadna ha la hor keeno maxa yeelay waxa uu shaqaynahaya cadowga Puntland. Kooxda Nabar iyo Naxdin iyo hogaamiye kooxeed Farmaajo ayaa hada uu soo jeestay burburinta Puntland.

  2. Haliye says:

    Doqon weeye Gaas wuxuu u shaqeeyaa cadowga PUNTLAND iyo Xasan culusow

Leave a Comment