DHAGAYSO:Gaas & Camay oo meel aysan filanayn lagaga soo baxay Iyo Xaalada Puntland oo….

GAROWE(P-TIMES)- Xili mudooyinkii ugu dambeeyey uu cirka isku sii shareerayey khilaafka xoogan ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Eng. C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay ayaa waxaa arimahaasi iyo xaalada ka hadlay gudoomiyaha guud ee ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qaranimada Doon Aadan Ismaaciil Cabdullaahi. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Gudoomiye Aadan ayaa baaqyo kala duwan u diray musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland oo uu ugu baaqay in ay ka waan toobaan hadalada xanafta leh halka xildhibaanada Baarlamaanka Puntland uu ugu baaqay in ay doortaan shakhsi danihiisa gaarka ah ka horumarinaya danta guud ee shacabka. 

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Ugu dambeyntii ayuu wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka ka dhex aloosan madaxweyne Gaas iyo Eng. Camay oo uu fariintiisa ku lifaaqay in ay ka waan toobaan khilaafkaasi xalna ka gaadhaan.

RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Leave a Comment