Maraykanka oo ku dhawaaqay warkii ugu farxada badnaa ee ku aadan shacabka Soomaaliyeed & Dowladda Somalia oo…..

MUQDISHO(P-TIMES)- Labadii bishan ayaa dawladda Maraykanka si rasmi ah u shaacisay in dib loo furay safaaradooda Soomaaliya sidoo kale hay’adda kaalmada dibadda ee Maraykanka USAID ayaa si toos ah uga shaqo biloowday dalka.

Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in Soomaaliya ay siin doonaan adduun lacageed gaaraya $900 million oo lagu maal galinayo Soomaaliya.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada, dhismaha hay’addaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.

War saxaafadeedka kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri:-

Kaalmada Maraykanka ee arrimaha bini aadanimada Soomaaliya $420 million oo kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gar gaarka Soomaaliyeed.

Maraykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo saddex sano gaar ahaan ganacsiga tusaale ahaan waxa ay tilmaameen in hore u abuureen 500 shaqo iyo 650 shaqo xiliyeed ah, iyagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed oo u suurta galisay in ay soo saaraan 3,500 Liter oo caano ah.

Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Maraykanku sheegey in la horumarin doono si shaqooyin badan loo abuuro, waxaana ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi socodka dayn cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maal gashiga iyo horumarin dhaqaale.

Kaalmada cusub ee Maraykanka ee Soomaaliya ayaa meelaha ugu badan ee lagu bixin doono waxaa kamid ah taageeridda waxbarashada dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin.

$110 million ayuu Maraykanka ku bixin doonaa dhismaha dowladd wanaaga, xalinta khilaafaadka iyo dibu habaynta arrimaha garsoorka.

153 Comments

  1. Joji says:

    Maraykanka hadal kisu wa macan yaha. Lakin ficil kisu wa qarar yaha. Ficil ku sameyo fiiriya hadal kisa iska dhafa. Dowlad walba tariiqda ay lahan jirte iyo waxa ay hada ku howlan taha. Aya lagu sadaliya waxa ay samayn donto. Qadada malabka e sumay san e maraykanku wado. Somaliba laga raba siday sidi ay malab ka u cabi lahayd suntana uga fakan lahayd.

  2. DenSmutt says:

    [url=https://genericzoloft.com/]zoloft[/url] [url=https://propranolol40.com/]propranolol[/url] [url=https://stratteraatomoxetine.com/]atomoxetine strattera[/url] [url=https://diflucan150.com/]diflucan[/url] [url=https://lipitoratorvastatin.com/]lipitor cost[/url]

  3. [url=https://carinsurance2019.us.org/]car insurance quotes online[/url] [url=https://autoinsurance2019.us.com/]auto insurance[/url]

Leave a Comment