SIR CULUS:Waa kuwee musharaxiinta ugu tunka weyn doorashada P/land?

GAROWE(P-TIMES)- Doorashada Puntland Ayaa Maraysa Meesha Ugu Xasaasisanayd, waxaana Kusii Qulqulaya Murashaxiinta u Taagan Xilka Madaxweynaha Puntland oo Iskugu Jira Rag Doonaya Inay Saaxada Siyaasada Kusoo Galaan Doorashada Iyo Rag Cidiyaha Ku dagaalamaya Inay Helaan Gurigaasi.

Waxaa Jira Hadal hayn Shacabka iyo dadka Siyaasada La Socda Hadal hayaan Taasi oo Si Gaar Aynu Usoo Qaadanayno Aragtida Hada Muuqanaysa Iyo Siyaasinta Ugu Cad Cad Xilka Madaxweynaha Sidoo kale Waxaynu Soo Qaadanaynaa Cawaaqiga Puntland Ka Jira Siyaasad Ahaan.

Shanta Musharax ee Xiligani La Hadal hayo Inay samayn Ku Leeyahiin Doorashada Puntland Ayaa Kala Ah.

Asad Cismaan Cabdulahi(Diyaano)
Siciid cabdulahi Deni
Cabdiwali Maxamed Cali gaas.
Cali Xaaji Warsame
Eng Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye)
Shantani Musharax Ayaa Dadka Siyaasadda La Socda Mid kasta Si Gaar Ugu saadaalinayaan Inuu Xilka Madaxweynaha Puntland Laga Yaabo Inuu Ku Guulaysto,Balse waxaa Jira Sooyaal Doorasho oo Puntland Soo martay Kuwaasi oo lagu Qiimaynayo Doorashadani Soo Socoda.

Hadaba Shantani Musharax Aynu Sharaxno Sida Dadka Qiimeeya Siyaasada Ugu Qiimaynayaan Inay Ku Guulaystaan Doorashada Soo Socota Inkasta Siyaasada Markasta Isbadasho.

Asad Cismaan Cabdulahi(Diyaano) Waa Nin Samayn badan Kusoo Galay Siyaasada Doorashada Puntland Gar Ahaana Intuusan Ku Dhawaacin ka Hor Ayaa La Hadal hayey Inuu Musharax Noqon Doono Doorashada Puntland 2019,Waa Nin Dhalinyaro Ah oo Ay Amin san Yahiin Shacabka Puntland Inuu wax Badan ka Badalayo Amaanka Puntland.

Sida Kalana Asad Cismaan Cabdulahi(Diyaano) Waxaa uu Kasoo Jeeda Beesha Cismaan Maxamud oo lagu Tirinayo wareegtada Doorashada Inay Sanadkani Sigaar Loolan Ugu Gali Doonaan ,waxaa uu Ku Dhow Yahay Madaxweynahii Hore ee Puntland AUN Cadde Muuse Xirsi.

Asad Cismaan Cabdulahi(Diyaano) waa Musharax la aamin san yahay Inuu Si gaar Ugu Dhow Yahay Madaxweynaha Xilka Haya cabdiwali maxamed Cali Gaas,Iyadoo Booskii Taliyaha Ha’yadda PSV oo uu Hogaan U Ahaa Isla Booskiisa Madaxweynaha Puntland Ku badali Doono Sida Ilo Hoose Sheegayaan Walalkii Maxamud Cismaan.

Qoys Ahaana Waxaa La Saadaalinayaa inay Madaxnimada Puntland samayn Ku Leeyahay.

Taasi waxay Keentay Tuhun Ah Inuu Gacan Saar la Leeyahay Madaxweynaha Xilka Ka Dhamaanayo,Waa Nin Siyaasad Ahaan Dhanka Debada Ku Xiran Inkasta Ana La Hubin Dhaqaalo wanaagsan haysta ,Inkasta oo Dadka Qaar qabaan Inuu Halka Dhib Ka hor Imaan Doontaa Tahay Da’ahaan Inuu Yar yahay Balse Qodobka Dastuurka puntland Waa Mid Furan oo Suura Gal tahay Inaysan ka Raabin Doorashada

Siciid cabdulahi Deni Waa Musharax Labaad ee samaynta Ku Leh Doorashada Puntland,waxaana uu Leeyahay Koox Adag oo U Qaabilsan Ololaha Doorashada Xataa Qurbaha Ayuu Ku Leeyahay Dad Social Media Aad Uga Buun Buuniya.

Musharax Siciid cabdulahi Deni Waa Nin Dhaqaalo Badan Ku Maamuli Doona Xildhibaanada Barlamaanka Puntland Gar Ahaana Aad U Bixiya Dhaqaalaha Dhanka Barlamaanka ,Beel Ahaana waxaa uu kasoo jeeda Beesha Cismaan Maxamud oo Sidaan Horay usoo Sheegay sanadkani la Aamin san yahay Inay Doorashadani Loolan Adag u gali Doonaan.

Siciid cabdulahi Deni Ayaa Dadka Dhaliila Ku Tilmaamaan Nin Aad Ugu Xidhan Kooxda Samu Jadiid Gar Ahaana Waxaa Tageero Xoogan Siinaya Madaxweynahii Hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamud oo Doonaya Inay Puntland Kasoo baxo Musharax Tageero u Ah Si 2021 Doorashada Villa Soomaaliya uu Garab Uga Helo.

waxaa Jira Siyaasin Dagaal Adag Kula Gali Doona Inuusan Soo Bixin waxaa ka Mid Ah cumar cabdirashid oo Doorashadi Villa Soomaaliya Isaga Hor Imadeen .

Cabdiwali Maxamed cali Gaas Waa Madaxweynahii hore ee Puntland Hadana Waxaa Muuqanaysa Samaynti Laga Filayey Inuusan Doorashadani Ku lahayn,Iyadoo loo Sababaynayo Awoodiisa Siyaasada oo Uleexiyey Villa Soomaaliya,Waxaana uu Doonayaa In Hadii uusan Gu Guulaysan Doorashada uu Adi Doono Loolan Faderalka Ah.

Cali Xaaji Warsame Waa Nin samayn badan Ku lahaa Doorashada Puntland ,Waxaana Gaar Ahaan Samayn Ku Leeyahay Shacabka Puntland,Inkasta oo Xukumada Jirta ee Madaxweyne Gaas Hogaaminayo daal Siyaasadeed Ku wada Jiraan.

Musharax Cali Xaaji Warsame Waa Nin Qunyar Socod Ah Waxaana Laga Saabaa Inuu Dagaal Siyaasadeed la Kulmo oo Musharaxinta Is Tagersan iskugu Shubaan Isaguna Kali Noqdo

Eng Maxamuud Khaliif Xasan (Jabiye) Waa Nin Dhaqaalo Badan Haysta oo Laga Yaabo Inuu Barlamaanka Dhaqaalo Ku Fan Gareeyo Balse Hadalaada saxaafada uu ka Sheego Ayaa Inta Badani Ah Kuwo Aysan la Dhac Sanayn Siyaasinta Puntland.

Dadka Siyaasada La Socda Ayaa Waxay Aamin san yahiin Inay tageero Xoogan Siinayso Dowlada Faderalka Soomaaliya Gaar Ahaana isku Dhow Yahiin Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Waana Siyaasiga Ay Doonayso Inuu Madaxweyne Ka Noqdo Puntland.

2 Comments

  1. Abdi says:

    Asad ama jebiye midkood ayaan rajeynayaa weliba asad oo ah nin wax ka qaban kara amniga puntland dhisi karana ciidanka daraawiishta aana filayo inuu yahay ninka ugu taageerada badan waqtigan la joogo. Madaxweyne gaas rabi naguma soo celiyo been buu nafta noogu keenay iyo oo weliba fuleynimo u dheer tahay.

  2. Haliye says:

    Reer PUNTLAND weli si fiican uma fahmin dhibku meeshuu ka jiro, lama arag madaxweyne intii la doorto sidaad rabtid yeel la dhaho ee waa inuu jiraa nidaam iyo sharci ka weyn qof kasta.
    Bal ka warama hadii madaxweynaha la doortaa dhaho SOOL Sanaag iyo Cayn Somaliland baa u saxiixay, ama Gaalkacyo Galmudug baa ku wareejiyay xildhibaanada intuu lacag laaluush ah siiyo ka ansixiyo.
    Waxaa loo baahan yahay in nidaamka garsoorka la madax banaaneeyo, xeer ilaaliye iyo hanti dhowr awood badan, gudi sare oo talada dalka wax ka go’aamisa.

Leave a Comment