Taliyihii ciidamada & Saraakiil qarax xoogan lagu dilay deegaano ka tirsan Gobolka….

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaray gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in qarax miino ay ku geeriyoodeen Taliyihii Qeybta 12 April iyo Saraakiil kale.

Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa la sheegay in ay la qaraxday Gawaari ay wateen Taliyihii Qeybta 12 April Cumar dheere iyo Abaandullaha Qeybta 12 April General Cabdi Cali Jamaame.

Saraakiishaan ayaa qaraxa Miinada waxaa agula eegtay Aaga dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo dhawaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

One Comment

  1. Kenadiid says:

    Labada(Fashil-maajo iyo khayr-laawe) xaqdaro ku heshiiya(burburinta Puntland) ayaga dhibka ku soo noqday saa dad aan uu dhalan hogaamin marka talinahayaan saan ay
    noqota fashil ah. Aaway amaanka koonfur? Sarakiisha ciidanka iyo masuuliyiinta dowlada si joogto ah ayaa loo dilahaya.

    Farmaajo iyo Khayre ha ka haraan farogelinta maamul goboleedyada. Ha garteen shaqadooda.

Leave a Comment