WAR DEG DEG AH:Cabsi ka taagan Gobolka Bari iyo in ka badan 50 qof oo Cisbitaalada la dhigay

BOSASO(P-TIMES)- Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dad ku sumoobay degaanka Ceel Daahir oo hoos taga degmada Carmo ee gobolka Bari sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari.

Faadumo Cabdullaahi Cade oo ah maamulaha Cisbitaalka degmada Carmo ayaa warbaahinta u sheegtay in dadkan ay sumoobeen kadib markii ay cabeen Caano ku jiray Caagado isla markaasna ay isugu jiraan Haween iyo Caruur.

Waxa ay tilmaamtay in dadka qaar ay xaaladooda liidato, inkastoo dhamaan dadka waxyeellada soo gaartay la baxnaaninayo, lana geeyey xarumo caafimaad oo ku yaala deegaankaasi iyo degmada Carmo.

“Ilaa 45 qof ayaa xanuunsaday kadib marka ay cabeen Caano deegaanka, waxaana kasoo gurmaday degmada Carmo” ayey tiri Agaasimaha Cisbitaalka Carmo.

Leave a Comment