WARAR CUSUB: Wararkii ugu dambeeyey ee Jiidaha dagaalka G Sool & Xog ku saabsan waxyaabaha ka socda.

TUKARAQ(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya Jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in ay sii kordhayso xiisadaha colaadeed ee kataagan deegaankaas, waxaana saacadihii ugu dambeeyey muuqday gurmadyo xoog badan oo ay wadaan dhinacyada ku dagaalamaya goobahan. Goobjooge ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegay in maamulka Hargeysa ay saacadihii ugu...

XOG: Maamulka Somaliland oo ku qasbaya Shacabka Laascaanood Banaanbax Lacago badan lagu bixinayo

LAASCAANO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaano ayaa sheegaya in madaxda maamulka Somaliland ee kasoo jeeda magaalada Laascaanood ay qaban qaabinayaan banaanbaxyo ay lacago badan ku bixinayaan oo lagu qabto magaaladaas, laguna muujinayo taageero la doonayo in loo sameeyo maamulka gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya. Maamulka gobalka, Guddiga Amniga oo uu hogaaminayo Afhayeenka baarlamaanka...

DAAWO: M/weynaha maamulka S/land oo markale ka hadlay Dagaalka Tukaraq.

HARGEYSA(P-TIMES) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markale ka hadlay arrimaha ku aadan dagaalka Tukaraq, waxaana uu ku celiyey in aysan ciidamadiisu ka baxeynin deegaanada gobalka Sool. Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in heshiis is faham ah oo ay gaareen dhinacyada Puntland & Dawladda Faderaalka Soomaaliya, laakiin ay ka baxeen dhinacyadaas sidda uu eediisa ku sheegay. Biixi...

DHAGEYSI XASAASI AH: Waxgaradka & Shacabka Buuhoodle oo fariin la yaab leh u diray Somaliland, kuna dhawaaqay dagaal..

BUUHOODLE(P-TIMES)- Banaanbax balaaran oo ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn ayaa si adag looga hadlay duulaanka maamulka Somaliland ay ku soo qaadeen gobalka Sool, gaar ahaana magaalada Tukaraq oo ay ka bilowdeen colaado todobaadkii lasoo dhaafay, kuwaas oo u dhaxeeya Puntland & Somaliland. Waxgaradka iyo Odayaashii ka hadlay banaanbaxan waxay muujiyeen sidda ay uga soo horjeedaan...

Banaanbax ka socda Buuhoodle & Dagaalka Tukaraq oo laga hadlayo

BUUHOODLE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobalka Cayn ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo banaanbax-weyn oo ay soo qabanqaabiyeen shacabka magaaladaas, waxaana ay uga hadlayaan sidda ay uga soo horjeedaan duulaanka maamulka la baxay Somaliland ay ku soo qaadeen gobalka Sool. Shacabka ayaa ilaa hadda muujiyey dareenkooda, waxayna sheegeen in aad uga soo horjeedaan...

XOG+AKHRISO: Nuux Taani oo u hanjabay Wasiiradda, Xildhibaanada & Taliyaasha S/Land ee kasoo jeeda G Sool, maxaase keenay waqtigan?

LAASCAANO(P-TIMES) – Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in uu natiijo la’aan ku soo dhamaaday kulan ay xalay saqdii dhexe ku yeesheen Hotelka Xamdi ee magaalada Laascaanood, guddiga dagaalka ee Somaliland u xilsaaratay dagaalka gobalka Sool, kaas oo ay xubno ka yihiin Wasiiradda, Xildhibaanada iyo Taliyaha ciidamada maamulkaas ee kusugan deegaanada gobalka. Waqti dheer ayuu qaatay kulanku...

XOG RASMI AH: Beesha Caalamka oo markale guuldarro ka raacday xal u helida Colaaddaha u dhaxeeya Puntland & Somaliland.

TUKARAQ(P-TIMES) – Warar hoose oo ay Puntlandtimes ka heshay Ilo kala duwan ayaa cadeynaya in ay fashilmeen dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen wakiilada caalamiga ah ee Siyaasadda Soomaaliya u qaabilsan Caalamka, waxaana dadaaladaas xoogoodu la xariiray sidii xal-waara looga gaari lahaa colaaddaha ka taagan deegaanada gobalka Sool oo ay isku hayaan ciidamada labada maamul. Saraakiil katirsan kuwa reer...

DEG DEG: Maxaa ka socda Jiidaha dagaalka ee G Sool & Hub laga maqlayo?

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya jiidaha dagaalka ee gobalka Sool ayaa sheegaya in xiisadaha colaadeed ee u dhaxeeya ciidamada Difaaca Puntland & Maleeshiyaadka Somaliland ay sii kordhayso goor dhaw ayaa la maqlay rasaas xoog leh oo ka dhacaysa jiidaha qaarkood, waxaana isku ridaya labada dhinac. Maleeshiyaadka Somaliland ayaa saacadihii ugu dambeeyey bilaabay in ay...

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo kasocda Jiidaha Dagaalka iyo Furimo cusub oo cabsi laga qabo

LASCAANO(P-TIMES)- Saacidihii ugu dambeeyey dhaqdhaqaaqyada ciidan Somaliland ayaa sii kordhaya, waxaana waqtigan oo ay Soomaaliya u tahay 1dii habeenimo, waxaa ladareemayaa dhaqdhaqaaqa kaso cda. Goobjooge kusoo safar jidka dheer ayaa sheegay in ay arkeen dhaqdhaqaaq kasocda laamiga dheer ee ay aad iskugu dhaw yihiin labada ciidan. Sidaas oo kale labada ciidan ee dagaalamay asbuucan lasoo dhaafay...

WAR CUSUB: Somaliland oo bilowday Leynta Maxaabiista Dagaalka ee PL & Xogo ay heshay Puntlandtimes oo ku saabsan Amuurtan.

LAASCAANO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday jiritaanka wararka sheegaya in ay taliska ugu sareeya maleeshiyaadka Somaliland Nuux Taani iyo wasiirka Difaaca ee maamulkaas ay saaka isku raaceen in la laayo Maxaabiis dagaal oo lagu qabtay dagaaladii ugu dambeeyey ee kadhacay deegaanka Tukaraq, kuwaas oo ay sheegeen in ay tahay talaabo amar guud ah oo ay qaadatay maamulka Hargeysa. Isbitaalka...

WARARkii ugu dambeeyey Jiidaha ay isku horfadhiyaan Ciidamadda Puntland iyo SL

GAROWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanada ay isku horfadhiyeen ciidamada Puntland iyo Somaliland, ayaa sheegaya in xiisadaha kabada dhinac u dhaxeeya ay kordheen saacadihii ugu dambeeyey, ayna muuqata ifafaalo dagaalo hor leh oo socda. Ciidamada ayaa isku guur-guuray saacadihii ugu dambeeyey, waxaana meelaha qaarkood la maqlay rasaas xoog leh maqribnimadii caawa waxaana...

Madaafiic laga maqlayo Aagaga Dagaalka & Rasaas goos-goos ah oo dhacaysa.

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya hadda Jiidaha dagaalka ee ay ku dagaalamayaan Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in duhurnimadan la maqlayo madaafiic culus oo ay dhinacyadu isku ridayaan iyo rasaas goos goos ah oo mararka qaarkood si toos ah looga maqlayo jiidaha dagaalka. Ciidamada labada dhinac ayaa ku jiray saacadihii ugu dambeeyey diyaar garoow dagaal, waxayna qolo kasta isku diyaarinaysaa...

Rasaas xoog leh oo laga maqlayo gudaha magaalada Laascaanood & Xog ka soo baxaysa

LAASCAANO(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaano ayaa sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlayo xaafaddaha magaaladaas, ka dib markii ay ciidamada Somaliland ka baxsaden Maxaabiis lagu hayay xabsiga magaalada Laascaanood. Shacabka magaalada ayaa galabtay ku argagaxay xaaladda rasaasta leh ee laga maqlayo gudaha magaalada, waxaana ilaa hadda la maqlayaa rasaastan oo u muuqata mid lagu...

DAAWASHO XASAASI AH: Siyaasi Cali Mareykan oo si adag ugu jawaabay Waraabe iyo Biixi, Hambalyana u diray ciidamada Difaaca PL

Lataliyihii hore ee arrimaha bulshada iyo amniga madaxweynihii Khaatumo siyaasi Cali Cilmi Warsame (Cali Maraykan) oo maanta warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe ayaa waxa uu ka hadlay arrimo xasaasi ah. Siyaasigaan oo xilal kala duwan ka soo qabtay Puntland, Khaatumo iyo SSC ayaa waxa uu ka hadlay dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq, hadalada xanafta leh ee ka soo yeeraya...

DABAGALKA WARKA: Dagaalka Somaliland & Puntland maku ekaan doonaa deegaanka Tukaraq, Mise ku joogsan doonaa si fudud?

LAASCAANO(P-TIMES) – Shaki ma saarna in dhinacyada Somaliland & Puntland ay hadda wali gacmaha kula jiraan abaabulka dagaalo cusub oo markale ay ku dagaalamaan deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, ka dib labo dagaal oo dhacay shalay iyo 15-kii bishan, kuwaas oo khasaaraha ka dhashay oo kor u dhaafayo dhaawacyada Boqolaal dhinacyada dagaalamayey ah. Puntlandtimes.com waxay ogaatay in miisaaniyad...

XOG DEG DEG AH: Taliska Ciidamada SL oo labo garab u kala jabay & Taliyayaal ka baxay Jiida dagaalka, ka dib markii…

LAASCAANO(P-TIMES)- Xog deg deg ah oo ay Puntlandtimes.com ka heshay gudaha deegaanka Gambara iyo Taliska ugu sareeya ee ciidamada Somaliland ayaa sheegaya in uu fashil kusoo dhamaaday kulan deg deg ah oo ay xalay yeesheen saraakiisha ugu sareysa taliska ciidamada Somaliland, kaas oo ay uga wada hadlayeen sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen dhinaca Puntland, waxaana meel sare gaaray khilaafka huursanaa...

WAR CUSUB: Puntland oo soo bandhigaysa gaadiid dagaal & Maxaabiis ay ka qabatay Somaliland, Maxayse ka og tahay PTIMES?

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in Dawladda Puntland, gaar ahaana guddigeeda Difaaca ay soo bandhigi doonaan gaadiid dagaal, hub iyo maxaabiis laga qabtay Somaliland dagaalkii cuslaa ee shalay dhacay, isla markaasna ay saxaafadda la wadaagi doonaan. Guddiga Difaaca ee Puntland ayaa kulan arrintan ka yeeshay subaxnimadii hore ee Jimcaha maanta, waxayna isku afgarteen in saxaafadda...

XOG CUSUB: Somaliland oo bilowday in ay qasab kusoo dagaal-galiso Dhalinyarro & Caruur aan askarnimo gaarin, ka dib dagaalkii shalay..

HARGEYSA(P-TIMES)- Wararka ay Puntlandtimes.com ka helayso deegaanada kuyaala Koonfurta magaalada Burco ayaa sheegaya in ay halkaas ka bilowday Somaliland raaf ay ku sameynayso qof kasta oo awood u leh in uu qaado qoriga dagaalka ee loo yaqaano AK-47-ka iyo nooc kasta oo hub yahay, ka dib markii shalay si adag loogu jabiyey dagaal culus oo ka dhaca deeganada gobalka Sool. Goobjoogayaal la hadlay Puntlandtimes.com...

DEG DEG+DHAGEYSO: Waxgaradka & Cuqaasha Buuhoodle oo Ku dhawaaqay war kusaabsan Dagaalka G Sool, cadeeyeyna.

BUUHOODLE(P-TIMES)- Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn waxay ku dhawaaqeen mawqifkooda ku aadan dagaalka gobalka Sool kasocda, waxayna sheegeen in ay ku bixinayaan naftooda iyo maalkoodaba, loona baahan yahay in ay shacabku hubka gurtaan. Odayaashan waxay sheegeen in ay Somaliland maalinba duulaan gardarro ah kusoo qaado Shacabka Puntland, maantana ay tahay waqtigii...

DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyey ee saaka kataagan Jiidaha Dagaalka & SL oo isku dayaysa weerar kale, ka dib jabkii shalay..

TUKARAQ(P-TIMES) – Wararkii ugu dambeyey ee saaka naga soo gaaraya Jiidaha dagaalka ee ay isku horfadhiyaan ciidamada dawladda Puntland & kuwa maamulka Somaliland ayaa sheegaya in uu ka jiro daganaansho aan cago badan ku taagneyn, xili kastana la filan karro dagaal kale oo ka dhex qarxa labada dhinac. Hubka culus ayaa la maqlay aroornimadii hore ee saaka, waxaana ilaa hadda wararku sheegayaan...