DAAWO:Madaxweyne Gaas oo tufaxaytay sidii uu daaqada uga saari lahaa musharaxiin badan, Jabiye, Cali Xaaji Warsame, Gallan, Deni, Khaliif Ciise oo qorshe xoogan wada Iyo Loolankii doorashada oo….

GAROWE(P-TIMES)- Waxaa gudaha magaalada Garowe ee caasimada Puntland ka socda qorshayaal kala duwan oo ay wadaan musharaxiinta loolan adag ugu jira doorashada madaxtinimada Puntland, kuwaas oo haatan bartilmaameedsanaya xildhibaanada Baarlamaanka cusub.

Musharaxiinta qaarkood ayaa maanta iska diiwaan geliyey gudida doorashada Puntland, waxaana socda dadaalo ay ku baadi goobayaan qabashada hogaanka Puntland.

Musharaxiinta maanta is diiwaan geliyey ayaa waxaa kamid ah:- Musharax Cali Xaaji Warsame, Musharax Maxamuud Khaliif Jabiye,  Musharax Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), Musharax Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Musharax Gen. Asad Cabdullaahi Cismaan (Diyaano), Musharax Saciid Cabdullaahi Denni, Musharax Faarax Cali Shire.
Musharax Maxamuud Cabdi Axmed (Gar-libaax), Musharax Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), Musharax Gen. Maxamed Axmed Jaamac (Shaale), Musharax Gen. Khaliif Ciise Mudan, Musharax Cali Cabdi Awaare, Musharax Cabdi Samad Maxamed Gallan iyo weliba sidoo kale Musharax Dr. Cali Ciise Cabdi.

Dhanka madaxweyne ku xigeenada ayaa waxaa la diiwaan geliyey Dr. Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), waxaana maalinta beri ah oo Isniin ah khudbadahooda Baarlamaanka ka hor jeedin doona musharaxiinta ku loolamaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland halka doorashada madaxtinimada ay dhici doonto 8-da bishani January oo ku beegan Talaadada soo socota.

Musharaxiinta qaarkood ayaa isku tanaasulay, waxaana xildhibaanada Baarlamaanka lagu hayaa boob xoogan oo ku aadan kala qaybsi ay ugu jiraan musharaxiintu.

Magaalada Garowe ayaa waxaa ka taagan xasarado siyaasadeed oo kacsan, waxaana amaanka magaalada uu yahay mid si weyn loo adkaynayo.

Ciidamo wata gaadiidka dagaalka iyo hub xoogan ayaa lagu arkayaa qaybaha kala duwan ee magaalada Garowe, waxaana uu maanta dagaal sababay dhimashada labo maxbuus iyo labo askari uu ka dhacay xabsiga weyn ee magaalada Garowe oo ay la wareegeen duhurnimadii maxaabiis badan halka markii dambe uu xaalku kusoo dhamaaday jawi degan.

Madaxweyne Gaas ayaa xooga saarayaa mar kale in uu noqdo madaxweynaha Puntland, hasa ahaatee xaalku waa mid xasaasi ah maadaama doorashada madaxtinimada Puntland ee haatan ay tahay mid saameyn xoogan leh.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYEY EE DOORASHADA P/LAND

Leave a Comment