Dad ku dhintay dibad baxyada weli ka socda dalka Suudaan

KHARTOUM(P-TIMES)- Booliska dalka Suudaan ayaa sheegay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dibad baxyo dowladda looga soo horjeedo oo ka dhacay magaalada Omdurman oo u dhow magaalada caasimadda ee Khartuum.

Dadka dibad baxa dhigayey ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku codsanayaan inay helaaan caddaalad iyo xoriyad halku Booliskuna sunta dadka ka ilimaysiisa ay ku kala eryayaan.

Dhakhaatirta ku sugan Suudaan ayaa waxay sheegeen in ugu yaraan 6 qof ay qabaan dhawaacyo rasaas ah isla markaasna hadda ay daawaynayaan.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in toogasho ay ka dhacday cisbitaalka ugu weyn ee aaggaasi.

Khasaaraha ka dhashay dibad baxyada ayaa imaanaya xilli madaxweyne Cumar Al Bashiir uu ka qayb galay shalay isu soo bax siyaasadeed oo lagu tageerayo dowladdiisa, isagoona sheegay in uusan xilka ka dageynin.

Leave a Comment