Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

MUQDISHO(P-TIMES)- Shilkaan oo khasaare dhimasho ah gaystay ayaa waxa uu saaka ka dhacay degmada Waaberi gaar ahaan inta u dhaxaysa labada Buundo meel u dhow Baar ha I dhaafin.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari nooca xamuulka qaada ah iyo gaari kale oo yar ay isku dhaceen, kadib markii gaariga nooca xamuulka qaada ah uu fariinkii goostay.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa shilkaasi gaari ku geeriyooday, waxaana saaka muddo daqiiqado ah hakad galay isku socodka gaadiidka isla markaasna shilkaasi sabab uu u ahaa.

Inta badan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca shilal kala duwan, kuwaas oo waxyeelo ay kasoo gaartay dad shacab ah.

Share on Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.