Dagaal culus oo ka dhacay gudaha magaalada & Fadhiisimo ciidamadu ay lahaayeen oo gudaha loo galay kadib markii…..

MARKA(P-TIMES)- Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlada Iyo kuwa Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gobolka.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab ka weerareen magaalada hal jiho oo u dhow goobta ay ciidamada dowlada fadhiisinkoodu ka dhow yahay oo ku taala xaafada Ruusisa.

Dagaal socday ku dhawaad hal saac ayaa ka dhacay magaalada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka ku sugan magaalada Marka.

Maxamed Cismaan Yariisow godoomiyihii hore ee magaalada Marka hadana kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Marka ayaa warbaahinta u sheegay in hada magaalada ay ka socdaan hawlgalo lagu xaqiijinaayo amaanka.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana saraakiisha ciidamadu ay ku guuleysteen in ay dib u riixaan dagaal yahanadii weerarka soo qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.