DEG DEG:Natiijada wareega koowaad ee doorashada gudoonka Baarlamaanka oo lagu dhawaaqay & Musharaxii Deni watay oo hogaanka u haya

GAROWE(P-TIMES)- Natiijada koowaad ee doorashada Baarlamaanka Puntland ayaa hada lagu dhawaaqay, waxaana codadka ay kala heleen musharaxiintu u dhigan yihiin sidatan:-

1- Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed 15 cod

2- Xildhibaan C/xakiin Maxamed Axmed (Dooba Daareed) 37 cod

3- Xildhibaan Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil 5 cod

4- Xildhibaan C/raxmaan Cali Jibriil 9 cod

Marka laga yimaado codadka musharaxiintu ay kala heleen ayaa hada waxaa si rasmi ah u bilaaban doona wareega labaad oo ay iskugu soo hadheen saddex musharax, kuwaas oo kala ah Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Xildhibaan C/xakiin Maxamed Axmed (Dooba Daareed) iyo Xildhibaan Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo fara kuluul ku haya doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland.

Doorashada Puntland & qaabka ay u socoto kala soco WWW.PUNTLANDTIMES.COM

Leave a Comment