DHAGAYSO:Cadaado oo dhexdeeda la isku baadhanayo & Maamulka degmada oo sheegay inay….

GALKACYO(P-TIMES)- Maamulka degmada Cadaado ayaa si kuluul uga hadlay dhalinyaro lacago baada ka aruuriyey shacabka ku nool xaafadaha magaalada Cadaado iyo deegaanada hoostaga iyaga oo sheeganaya in ay ka socdaan mid kamida hay’addaha gar gaarka ee deegaanka ka hawlgala.

Gudoomiyaha degmada Cadaado C/laahi C/raxmaan Xuseen Tootoole ayaa sheegay in ay soo wargaliyeen maamulka degmada mid kamid ah deegaanada hoostaga Cadaado waxna ka weydiiyeen in ay aqoonsi ka haystaan maamulka degmada Cadaado.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Waxa uu xusay in ay ciidamada amaanka amar ku siiyeen in ay gacanta kusoo dhigaan dhalinyaradaasi oo uu shegay inay ku hawlan yihiin dhicida shacabka ku nool Cadaado iyo deegaanada hoostaga.

Leave a Comment