DHAGAYSO:Ciidamo dilal naxdin leh ka gaystay gobol kamid ah Somalia oo gacanta lagu dhigay kadib markii….

MARKA(P-TIMES)- Ciidamadaan ayaa guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxa uu sheegay in ay ahaayeen kuwo dilal ka gaystay deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose Maxkamada ciidamada qalabka sidana ay ku guulaysatay in lasoo xiro.

Waxa uu sheegay in todobaadkii lasoo dhaafay Ciidamada Amaanka ay Shabellaha Hoose kasoo xireen 6 askari oo dad rayid ah dil u gaystay, kuwaas oo qaarkood la Maxkadeeyay.

Waxa uu ciidamada uga digay in ay ku dul dagaalamaan dadka shacabka ah dhexdooda, waxaana uu sheegay in marnaba aan la ogolaan doonin in ciidamada uu ku dhex jiro qof gacan ku dhiigle ah oo dil gaystay.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.