DHAGAYSO:Ciidamo Soomaali & Ajaaniib badan ah oo gudaha u galay deegaano hor leh + Dagaal ka dhacay deegaanka….

MUQDISHO(P-TIMES)- Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa faah faahin ka bixiyay weerar qorshaysan oo ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwo Maraykan ah ay ka fuliyeen Shabellaha Hoose.

Weerarkan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Hanti Wadaag oo 12 KM u jira degmada Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in weerarkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee dad shacab ah aan waxba lagu yeelin.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in deegaanka Hanti Wadaag ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada, balse ma cadayn tirada rasmiga ah ee lagu dilay weerarkaas.

Leave a Comment