DHAGAYSO:Dagaal saddex jiho ah oo bilaaban raba & Deegaano hor oo ciidamadii ugu badnaa ay…..

MUQDISHO(P-TIMES)- Xili uu sii xoogaysanayo dagaalka xoogan ee ay wadaan dowladd goboleedyada ka jira gudaha dalka Soomaaliya iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee Al-shabaab ayaa maamulka Hir-Shabeelle waxa uu shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen ciidamo loogu talo galay sugida amniga sigaar ah furitaanka deegaanada ay go’doomiyeen Al-shabaab.

Afhayeenka maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Ciiro ayaa sheegay in deegaanada mararka qaar ay weerarada ay ka gaystaan Al-shabaab ee gobolka Shabellaha Dhexe ay howlgalo bilaabi doonaan.

Isaga oo la hadlayey warbaahinta ayuu sheegay in la diyaariyey ciidamadii hawlgalkaasi fulin lahaa, iyaga oo ka hawlgeli doono wadada xiriirisa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Leave a Comment