DHAGAYSO: Madaxweynaha cusub ee Puntland oo shaaca ka qaaday arin ay is weydiinayaan dad badan kadib markii uu sheegay in uu…..

GAROWE(P-TIMES)- Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayaa ka hadlay doorka xukuumadda uu soo dhisi doono iyo qaybta haweenku ay ku yeelan doonaan.

Waxa uu sheegay in door fiican ay ka ku yeelan doonaan golahiisa wasiirada oo uu dhawaan soo magacaabi doono, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in rabitaanka shacabka Puntland uu ku salayn doono xubnaha wasiirada ee uuu soo magacaabi doono.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA MADAXWEYNAHA

Madaxweyne Denni ayaa sheegay in uu soo dhisi doono xukuumadd tayo leh oo ay ku jiraan aqoon yahano, dhalinyaro isla markaasna haweenkuna ay door macquul ah oo muuqda ka qaadan doonaan.

Doorka haweenka ay ku leeyihiin siyaasada Puntland ayaa ah mid aad u liita madaama xitaa Baarlamaanka cusub ee Puntland ay ku jirto kaliya hal haweeney ah, waana sababta dhalisay in la is weydiiyo qoondada ay haweenku ku yeelan doonaan xukuumadda uu dhisi doono madaxweyne Denni.

Share on Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.