DHAGAYSO:Odayaal dhaqameed fal la yaab leh ku kacay oo xabsiga lagu wada guray kadib markii ay kasoo hor jeesteen heshiis ah…….

MUQDISHO(P-TIMES)- Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay odayaal ay dhawaan ku xireen deegaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe, kuwaas oo la sheegay inay kasoo hor jeesteen heshiis la dhex dhigayay laba malayshiyo beeleed.

Afhayeenka maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Ciro ayaa sheegay in weli odayaasha ay xiran yihiin isla markaasna colaadii labada beeleed u dhaxaysay ay ku baxeen xildhibaano ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe.

Odayaasha ayuu sheegay in xarigooda xal loo arkay dhawaana lasoo geba gabeyn doono dagaalka u dhaxeeya labada maleesheeyo beeleed.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Sidoo kale Afhayeenka maamulka Hir-Shabeelle Daa’uud Xaaji Ciro oo waraysi siiyay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay xaalada amni ee magaalada Jowhar iyo shaqaaqooyin dhawaan magaaladaas ka dhacay.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa odayaashaas kasoo xir xiray tuulooyin hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana mas’uuliyiinta maamulka ay ku eedeeyeen inay kasoo hor jeedeen heshiisiinta laba beelood oo dagaalamay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.