DHAGAYSO+SAWIRO: Madaxweynaha cusub ee Puntland oo maanta la wareegay xilka madaxtinimada & C/weli Gaas oo dalbaday cafis kadib markii….

GAROWE(P-TIMES)- Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa maanta xilalka si rasmi ah ula wareegay.

Xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxaa lagu qabtay munaasabada xil wareejinta, waxaana goob joog ka ahaa madaxweyne Siciid Denni, ku xigeenkiisa, madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo marti sharaf kale.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkisii hore Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camay ayaa waxa ay xilalkii si rasmi ah ugu wareejiyeen madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ee dhawaan la doortay.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.