Diyaaradd Drones ah oo lagu weeraray saldhig ay leeyihiin militariga Yemen

NAIROBI(P-TIMES)- Diyaarad aanan duliye wadin ayaa weerar ku qaaday saldhig militari oo ay ku sugnaayeen ciidamada Yemen, waxaana la rumaysan yahay in diyaaradda ay soo direen malayshiyaadka Xuuthiiyiinta.

Waxaa lagu soo warramaya in lix askari ay ku dhinteen duqeynta Drones-ka.

Diyaaradda ayaa ku qaraxday saldhigga Al Anad oo ku yaalla gobolka koonfurta dhaca ee Lahj, halkaas oo ay taliyeyaasha ciidamada ay daawanayeen gaado ka ciyaar ay soo bandhigayeen ciidamada.

Saraakiisha caafimaadka waxay kusoo warramayaan in ku-xigeenka militariga Jeneraal Saalix Al Zindaan iyo barasaabka gobolka Lahj Axmed Al Turki ay kamid yihiin dadka ku dhaawacmay weerarka.

Telefishinka maleeshiyaadka Xuuthiyiinta wuxuu ku warramay inay bartilmaameedsanayeen saraakiil ka tirsan isbaheysiga dagaalka kula jiro iyaga oo uu Sucuudiga hoggaamiyo.

Share on Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.