Doorashadii gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka oo hada dhamaatay & Ismaaciil Maxamed Warsame oo kala wareegay xilkiisii Xaaji Waal

GAROWE(P-TIMES)- Waxaa haatan lasoo gaba gabeeyey doorashadii gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, waxaana ku guulaystay Ismaaciil Maxamed Warsame oo helay codad dhan 45 cod.

Siciid Macali Daahir oo la tartamayay gudoomiye Ismaaciil ayaa isna helay 14 cod oo kaliya halka C/raxmaan Diiriye Carab uu helay 7 cod.

Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa xilalka kala wareegay isla maanta Xuseen Xaaji Yaasiin (Xaaji Waal) oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii labaad ee hore ee Baarlamaanka Puntland, waxaana haatan socota khudbado lagu soo gaba gabaynayo doorashadii saaka ka bilaabatay Hoolka Baarlamaanka Puntland.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.